Wararkii Ugu Dambeeyay COVID-19 Iyo Tirada Kiisaska Cudurka Oo Gaadhay 60 Million Oo Qof

Jaamacadda fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa diiwaan gelisay 60,186,902 kiisas oo ah safmarka corona ah iyadoo 1,417,319 oo qofna u dhinteen xanuunka kolkii hore ka soo unkamay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December, ee sanadkii hore.

Dalka Mareykanka ayaa wali ah halka uu safmarka sida ba’an u dhibaateeyay, in ka badan 261,000 oo ruux ayaa u geeriyootay halka 12.7 million oo kiis laga diiwaan geliyay, waxaa ku xiga dalka India 9.2 million oo kiis ayuu marayaa safmarka corona, Brazil ayaa sidoo kale kamid ah meelaha uu saameeyay 6.1 million oo kiis ayaa laga heley iyadoo France 2.2 million kiis uu ku dhacay.

Ku dhowaad 38.4 million oo qof ayaa ka bogsootay feyraska corona caalamka oo dhan.
In ka badan 100 jaad oo tallaal ah ayaa hadda maraya heerar kala duwan, shirakadda dawooyinka ee Mareykanka Pfizer iyo tan Jarmalka laga leeyahay ee BioNtech ayaa todobaadkii hore sheegay in 95% tallaalka uu wax tar yeeshay isla markaana ku wadaan dib u habeyn.

Hadalka shirakadaha ayaa imaanaya maalmo ka dib markii shirkadda Mareykanka Moderna ay sheegtay in si iskeeda ah u sameysay tallaal isla markaana lagu kalsoonaan karo 94.5%.

Dedaalka loogu jiro soo saarista tallaalka, wuxuu muujineyaa in dhammaadka COVID-19, sida uu sheegay agaasimaha hey’adda QM u qaabilsan caafimaadka WHO.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Godoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Abaar Baahsan Oo Ka Jirta Gobolkaasi Baaqna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladaha Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Kala Sexeexday Heshiis Milatari

Bnnstaff Bnnstaff

Amisom Oo Si Adag Uga Jawaabtay Eedayntii Uga Timid Ahlu Suna Waljamaaca

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More