Borama News Network

Dowlada Goboleedka Puntland Oo Kahor Timid Qabyo-Tirka Dastuurka KMG ah Ee Dalka

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in ay diidan tahay qabyo-tirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka oo cutubyada 1aad ilaa 4aad uu furay Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa diidmadeeda ku xoojisay in aanay loo dhammayn dib u eegistaas Dastuurka Kumeel-gaar ah ee Dalka sidaas awgeed loo baahan yahay in marka hore laga wada-xaajooda oo dhinacyada heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed isugu yimaadaan wadatashi.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ka baaqatay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka sabab la xiriirta khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya Dowladda Federaalka balse kulamadii Golahaas uma joogsan maqnaashiyaheeda.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Dowlad-Goboleedka Puntland:

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo War Ka Soo Saartay Dilalkii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Ka Doodaya Wax Ka Bedelka Dustuurka Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Weerarada Xuutiyiinta Oo Sababay In Mareykanka Uu Badda Cas u Diro Maraakiibta Diyaaradaha Xambaara

Abdiaziz Bnnstaff