Borama News Network

Ciidanka Israaiil ee muddada dheer ku jira Dagaalka oo la sheegay in Xannuun dhinaca Maskaxda ah soo wajahay

Waxaa xog-baaris lagu sameeyay qaar kamid ah Ciidanka Israaiil ee muddada dheer Dagaalka iyo duqaynta kawada Dhulka Falastiin lagu ogaaday in intooda badan ay la xannuunsanayaan ama dhibaato ka haysato dhinaca Maskaxda.

Tiro kamid ah Ciidaankaan ayaa hubka laga qaaday waxaa sidoo kale laga fogeeyay wax weliba oo dhibaato ku gaysan karaan maadaama isla hadal badan oo sabab u ah dhibaatooyin kasoo gaaray dhinaca maskaxda uu jiro.

Warbaahinta ka howlgasha deegaannada Israaiil waxna ku baahisa Afka Cibriga ayaa sheegtay in qaar kamid ah Askarta laga soo baddelay furimaha Dagaalka in ay dileen Askar kale & Dad kale oo Asaxaab la ah sabab la xiriirta isku dhex yaac dhinaca Maskaxda ah.

Ciidankaan waxa ay waxyeellada ugu daran kasoo gaartay hubka culus ee dhankooda ay ridayaan iyo kuwa lagu soo weerarayo waxaana ugu sii darmay hurdo la’aan gaarsiisay heer Habeen & Maalin cabsi darteed ka hurdi waayeen.

Khubarrada ku takhasustay dhinaca Caafimaadka gaar ahaan Maskaxda ayaa dood ka dhigatay in marka xaaladahaan oo kale la arko loo baahan yahay in qofka la geeyo meelo buuq yar lagana fogeeyo Bulshada Caafimaad ahaan ka wanaagsan.

Dhowr dhacdo oo laga diiwaangeliyay furimaha Dagaalka & Saldhigyada Ciidanka Israaiil waxaa kamid ahaa in ay jiraan Askar badan oo qaylinaya Habeenkii gaar ahaan marka ay isku dayaan in ay hurdaan taasina waxaa lagu sheegay xannuunka dhanka Maskaxda.

Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa dhammaadkii Febaraayo 2024 waxa ay baahisay in ku dhowaad 30,000 oo Askari oo Yuhuud ah laga daweeyay xannuun uga dhacay dhinaca Maskaxda ama Dhimirka taasina ay sii korortay marba marka ka dambeysa.

Related posts

” Xildhibaan Maxamed Abiib Wuxuu u Xidhan Yahay Qaran Dumis….” Xukumadda Somaliland.

Abdiaziz Bnnstaff

“Xirsi Markuu Kiisas Galey Ayuu Sirdoonkii La Xumaadey…”Gudoomiye Xinif Oo Eedaymo Culis Ujeediyay Gudoomiye Xirsiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Itoobiya Iyo Jabuuti Oo Dib U Eegis Ku Samaynaya Heshiiska Isticmaalka Dekedaha