Borama News Network

Dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Doollo ee dowlad deegaanka oo aan weli xal laga gaarin

Waxaan weli xal laga gaarin dagaal beeleedyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka Doollo ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, kuwaas oo ay ku dhinteen dad ka badan toban qof, tiro intaa ka badnna ay ku dhaawacantay.

Isku dhacyadaan oo ka taagan deegaanka Caado ee gobolka Doollo ayaa xogta aan helayno waxay sheegaysaa in labada beelood ee walaalaha ah ay isku hayaan dhul gaarahaan aag laga qadayay baraago.

Waxaa socda waan-waan iyo isku dayo kala duwan oo ka imaanaya maamulka dowlad deegaanka iyo madax dhaqameedka gobolka oo lagu daminayo colaadda halkaa ka taagan sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah nabadoonnada deegaanka.

Inkastoo dadaalladas nabdeed ay socdaan haddana weli waxaa taagan xiisad ka jirta goobihii lagu dagaallamay, taasoo abuuraysa cabsi ah in mar kale dagaal dhici karo.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Xilalka u Kala Wareejiyey Agaasimaha Cusub Ee NISA Iyo Agaasimihii Hore Ee Hay’adda

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo War Ka Soo Saaray Heshiiska Dhex Maray Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

Gobollo dhowr ah oo ka tirsan Mareykanka oo koronto la’aan noqday

Abdiaziz Bnnstaff