Borama News Network

Madaxwaynayaasha Dalalka Somaliya Iyo Turkiga Oo Khadka Telefanka Ku Wada Hadlay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Xiriir Telefoon oo dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud & Dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan waxa ay diiradda ku saareen xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada Dal.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Erdogan ayaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay garab istaagga madaxbannaanida, Gobnimada & Midnimada Dalka iyo Dadka.

Erdogan ayaa taageero xooggan u muujiyay howlgallada ka dhanka ah ee ‘AS’ ee sida wadajirka ah u fulinayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan.

Ankara ayaa tilmaamtay in ay garab taagan tahay dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed, Amniga & kan Dhaqaale ee Xukuumadda Muqdisho tiigsaneyso si ay uga gungaarto yoolkeeda Mustaqbalka dhow iyo kan fog sida hadalka loo dhigay.

Turkiga ayaa Soomaaliya waxa uu soo galay sanadkii 2011 xiligaan oo Dalka ay ka jirtay xaalado adag oo dhanka Bani aadamnimada waxaana sanadba sanadka ka dambeeyay sii xooggeystay cilaaqaadka oo meelo kala duwan kusii faafay.

Related posts

Israel iyo Xizbullah oo gaaray heshiis xabbad joojin

Abdiaziz Bnnstaff

“Cabdiraxmaan Cirrooy Car Doorasho Ayanan Ku Heshiin Dalka Haka Dhacdo….”Gud Rooda Cabdi Muuse.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamada ICJ Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dacwadii Ka Dhanka Ahayd Israel

Abdiaziz Bnnstaff