Borama News Network

Maxkamada ICJ Oo Go’aan Ka Soo Saaray Dacwadii Ka Dhanka Ahayd Israel

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa hadda amar ku bixisay in Israa’iil ay qaado tallaabooyin degdeg ah oo isku xigxiga oo waxloo qabanayo xaalada Gaza , laakiin maxkamada ma dalban xabbad joojin.

Tallaabooyinkan ayaa Israa’iil loogu sheegay in ay samayso wax kasta oo ay awoodo si ay u joojiso xasuuqa halkaas ka socda, isla markaana ay si degdeg ah u suurtogeliso in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dhulka Gaza iyo in laga hortago oo la ciqaabo kuwa hurinaya xasuuqa iyo colaadda.

Dhageysiga dacwadda ka socota maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ayaa qeyb ka ah dacwad ay soo gudbisay Koonfur Afrika oo ay ku eedeysay Israa’iil in ay xasuuq u geysatay Falastiiniyiinta.

Israa’iil ayaa si adag u diiday eedeynta, waxaana loo malaynayaa inay iska dhega tirtay awaamiirta garsoorayaasha, kuwaas oo aan haysan hab ay ku fuliyaan go’aankooda.

Garsooraha maxkamadda, Joan Donoghue, ayaa ku baaqday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo la haystayaashii ay Xamaas qafaasheen bishii Oktoobar.

Related posts

Markabkii u Afduubnaa burcad-badeedda Soomaalida oo laga baqayo inuu saadka ka go’o

Abdiaziz Bnnstaff

Cimraan Khan oo ka hadlay wararka sheegayey in uu isbahaysi la samaysanyo xisbiga ay iskasoo horjeedaan

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay kawada hadleen Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya?

Abdiaziz Bnnstaff