Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay Weerarkii Liido

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka qaranka, Maxamuud Macalin ayaa ka warbixiyay qasaaraha guud ee ka dhashay qarixii Xeebta Liido.

Guddomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahiyay Khasaarahii ka dhashay qaraxii ka dhacay xeebta liido, isaga oo sheegay in qaraxaasi sababay waxyeelo s isugu jirto, burbur hantiyadeed, dhawacyo iyo kuwa halkaas ku geeriyooday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay, in ay jiraan dad gaaraya shan qofood uu dhaawacadoodu daran yahay, oo ay u baahanyihiin daryeel aan ahayn midka dalka ay ku haystaan.

 Dhimashada ayaa is soo tareysay waxay gaartay 39, qof, waxaa ku burburay goobo Ganacsi oo ku yaallay xeebta Liido oo gaaraya 11, goobood oo  iyo 10, gaari. Ayuu yiri: Guddoomiye Maxamuud Macalin.

Hadalka Guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya xilli weli dowladda wado dadaallada ay ku caawineyso dadka dhibaatada ka soo gaartay weerarka Liido.

Related posts

Faahfaahin ka soo baxaysa weerar dalxiisayaal lagu laayay oo ka dhacay dalka Hindiya

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil Oo Ugu Yaraan 130 Ruux Ku Dilay Xeryaha Nuseirat Iyo Maghazi.

Abdiaziz Bnnstaff

“Hargeysa oo mid noqota ayaa ka wayn kursiga aan ku fadhiyo “Maayir Mooge

Abdiaziz Bnnstaff