Borama News Network

Muddaharaadyo waaweyn oo Hindiya ka socda kaddib haweenay la dilay

Mudaaharaadyada ayaa sii socda dalka Hindiya kadib markii koox dad ah ay burburiyeen isbitaal ku yaalla gobolka West Bengal ee dalka India, halkaas oo lagu kufsaday gabadh dhakhtar ah.

Isbitaalka ayaa la weeraray Arbacadii intii lagu guda jiray socodkii weynaa ee Reclaim the Night oo lagu qabtay magaalada Kolkata si looga mudaaharaado dambiga arxan darada ah eek u socda haweenka.

Mudaaharaadyo yaryar ayaa sidoo kale lagu qabtay magaalooyin kale oo badan oo Hindiya ah sida Delhi, Hyderabad, Mumbai iyo Pune.

Ururka Dhakhaatiirta Hindiya (IMA) – midawga ugu weyn ee dhakhaatiirta dalka – ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin guud oo dalka oo dhan ah, wixii aan ahayn adeegyada degdegga tan iyo laga gaadhayo sabtida.

Related posts

“Waxaan gacanta ku soo dhignay 1500 litir oo khamriya , 5 jawaan oo xashiishada” Ciidamada Booliska Hargaysa .

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Wareegto Ku Cayimay Xiliga Ay Somaliland Ka Qabsoomayso Doorashada Madaxtooyadu

Abdiaziz Bnnstaff

Muslimiinta dunida maanta farxad ayay ciidayaan, marka laga reebo kuwan oo ciiddu ay gelisay murugo hor leh

Abdiaziz Bnnstaff