Borama News Network

Sacuudiga Oo Soomaaliya Ku Garab Istaagay Ilaalinta Madaxbannaanida Iyo Midnimada Dhuleed.

War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo looga falceliyay xadgudubkii Itoobiya ay ku samaysay Madaxbannaanida & Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Riyaad ay garab taagan tahay dhiggeeda Muqdisho.

Bayaanka ayaa Itoobiya loogu baaqay in ay joojiso faragelinta ay ku samaynayso Soomaaliya sidaas awgeed xalka uu yahay in la abbaaro dhinaca nabadda oo ah in is ixtiraam ay u wada noolaadaan labadaan Dowladood.

Sacuudiga ayaa tilmaamay in aanay habbooneen xasilooni darro ka dhacda Geeska Afrika sidaas darteed loo baahan yahay in hoos loo dhigo xiisadda iyo dareenka uu salkiisu yahay heshiis-beenaadkii Itoobiya ay shaacisay 1dii Janaayo 2024.

Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ayaa gashay Liiska Dalalka cambaareeyay kana hor yimid xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay madaxbannaanida & midnimada Dhuleed ee Soomaaliya kaddib markii ay shaacisay heshiis-beenaad ay la gashay Muuse Biixi Cabdi.

Related posts

Dad Ku Dhintay Dagaal Addis Ababa Ku Dhex Maray Booliska Iyo Xubno Ka Tirsan Jabhadda Fano

Abdiaziz Bnnstaff

Xasan Sheekh waa Madaxwaynaha Kaliya Ee Magaaladiisa Xabbad u Qaatay Isagoo Xukunka Haya” Fahad Yaasiin ..

Abdiaziz Bnnstaff

Cabsi laga qabo in dagaal toos ah uu ka dhex qarxo Xisbulaah iyo Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff