Borama News Network

Israa’iil iyo Xamaas oo isku eedeeyay fashilin wadahadal

Israa’iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu horjoogsaday xabbad joojin iyo heshiis lagu sii deynayo dadkii ay xamaas gudaha Israa’iil ka qafaalatay 7-dii Octoobar, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu billaabay booqashadiisa gobolka.

Blinken ayaa Bariga dhexe gaaray markiisii sagaalaad tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

Bayaankeedii ugu dambeeyay, Xamaas waxay ku sheegtay in Benjamin Netanyahu uu fashilinayo dadaallada dhexdhexaadinta, uuna diidayo in dagaalka la joojiyo oo uu ciidamada Israa’iil la baxo.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa Xamaas ku eedeeyay inay yihiin dad madax adag, isagoo sheegay inay jiraan waxyaabo uusan u dabacsanaan karin.

Related posts

Mucaaradka Israaiil Oo Netanyahu Ku Eedeeyay In Uu Dhaawacayo Xidhiidhka Maraykanka Ay Wadaagaan

Abdiaziz Bnnstaff

Muuse Anagu Saxaab Baanu Nahay Laakin Xirsi Ayuu Waxu Uu Odhan Doonaa Codka Gabilay Ha Lagu Celiyo” Murashax Ciro

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Ghana oo amartay in Ajanabiga ka baxaan Suuq Dahabka dalkaasi

Abdiaziz Bnnstaff