Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gebagabeeyay mooshinka wax iska weydiinta Canshuurta iyo Cabashada Ganacsatada oo maalmahan ay doodiisa socotay.
Gebagebadii doodda ka dib ayaa waxaa uu gudoomiyaha baarlamaanka Soomalaiya u saaray guddi ka soo tala-bixiya canshuuraha cusuub.
Sheek adan Madoobe ayaa sheegay in guddiga Maaliyadda ee baarlamaanka ay arrintan u xilsaareen si ay u soo baaran ka dib-na ay ugu soo talo-bixiyaan.
Canshuuro cusub oo dhawaan ay soo rogtay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa cabasho ka muujiyay qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.