Borama News Network

Maraykanka Oo Markale Ku Celiyay In Uu Taageerayo Madaxbannaanida Iyo Midnimada Dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa markale ku celisay in ay ixtiraam ay u hayso madaxbannaanida & midnimada dhuleed ee Soomaaliya isla markaana taageereyso shirka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ee Madaxda IGAD isugu imaanayaan Uganda.

Maraykanka ayaa sheegay in uu dhiirragelinayo shirkaan IGAD ee 18ka Janaayo 2024 ka yeelanayaan Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya & Itoobiya oo ka dhashay xadgudubka Xukuumadda Addis Ababa ku samaysay Madaxbannaanida & midnimada.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo lagu daabacay barta X ee horay loo oran jiray Twitter-ka ayaa lagu muujiyay sida Maraykanku uu u doonayo in Soomaaliya lagu xushmeeyo madaxbannaanideeda.

“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, Maraykanku waxa uu taageerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka.

Maraykanka ayaa kamid noqday waddamada ka dhiidhiyay xadgudubka Itoobiya kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay 1dii Janaayo 2024 ay shaacisay heshiis-beenaad ay wada-gaareen Abiy Axmed Cali & Muuse Biixi Cabdi.

Related posts

Qaramada Midoobay Oo Digniin Ka Soo Saartay Dagaal Ay Isreal Ku Qaadayso Rafax

Murashax Cabdiraxaan Ciro Oo Ka Jawaabay Suaalo Kala Duwan Oo Ay Waydiiyeen Qaar Ka Mid Ah Dhalinyarada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Mucaaradka Dalka Itoobiya Oo Culays Xooggan Saaray Xukuumadda Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff