Borama News Network

Israel ayaa duqeysay xarumo militeri oo ku yaal Suuriya

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay duqeymo Israel ay ka gaysatay saldhigyo militeri oo ku yaal Suuriya.

Wakaaladda wararka Suuriya SANA oo xiganeysa saraakiil caafimaad ayaa sheegtay in 36 kale ay ku dhaawacmeen weerarada oo ka dhacay meel u dhow Masyaf ee gobolka Hama habeenkii Axadda.

Koox fadhigoodu yahay UK oo la socota wararka Suuriya ayaa sheegtay in 25 qof lagu dilay weerarka oo ka dhacay shan goobood oo ay ku jiraan xarun cilmi-seyniska lagu baaro oo lala xiriirinayo waxsoosaarka hubka kiimikada.

Wakaaladda wararka Reuters oo xiganeysa ilo wareedyo sirdoon oo gobolka ayaa sheegtay in labo xarun oo lagu sameeyo cilmibaaris militeri oo hubka kiimikada ah la duqeeyay dhowr jeer.

Militeriga Israel waxay sheegeen in aysan ka hadleyn war ay sheegtay warbaahin shisheeye. Wasaaradda arrimaha dibadda Suuriya ayaa canbaareysay weerarka, waxayna ku tilmaantay “gardarro cad”. Dhanka kale wasaaradda arrimaha dibadda Iran waxay weerarka ku tilmaantay “weerar dambi ah”.

Israel waxay qiratay in ay boqollaal weerar hore ugu qaaday Suuriya. Weerarada Israel ay ku qaado Suuriya ayaa kordhay laga bilaabo Oktoobar markii uu bilowday dagaalka Gaza sanadkii la soo dhaafay

Related posts

”Hadii ay Doorashadu Cadaalad u Dhici Weydo, Ninkii Qaribay Ayaa Ka Talin Doona.”Gudoomiye Xirsi,

” Heshiiska Somaliland dareen fara badan ayuu ka dhaliyey Aduunyada oo dhan” Wasiir Maxamed Kaahin.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Putin oo mar kale digniin adag u diray Reer Galbeedka

Abdiaziz Bnnstaff