Borama News Network

Baarlamaanka Azerbaijan oo ansixiyay heshiis difaac ah oo ay la saxiixdeen Soomaaliya

Baarlamaanka Azerbaijan ayaa ansixiyay heshiis iskaashi militari ah oo dhex maray dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan.

Heshiiskan, oo Madaxda labada dal ku kala saxiixdeen magaalada Baku 12-kii Febraayo 2025, ayaa horseedaya xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka difaaca iyo amniga.

Qodobbada uu heshiisku ka kooban yahay waxaa kamid ah iskaashi dhinaca warshadaha milatariga, tababaro ciidan, howlgal wadajir ah, iyo is-weydaarsi khibradeed oo u dhexeeya labada ciidan qaran.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Azerbaijan, Arzu Naghiyev, ayaa ku tilmaamay heshiiska lagu hormarin karo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Waxa uu xusay in iskaashigan uu faa’iido u yeelan doono labada dal, gaar ahaan marka la eego baahida Soomaaliya u qabto dhisidda iyo tayeynta awooddeeda difaac.

Madaxweynayaasha labada dal, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ilham Aliyev, ayaa taageeray dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada waddan, iyagoo caddeeyay in heshiiskani yahay bilow cusub oo ku saabsan iskaashi amni iyo mid diblomaasiyadeed.

Related posts

Maxay Itoobiya, Somaliland Iyo Puntland Ka Yiraahdeen Go’aankii Dowladda Soomaaliya Ee Qunsuliyadaha Itoobiya?

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladaha Carabta Oo Diiday Dalabki Trump ee Gaza

Abdiaziz Bnnstaff

Raysa Wasaare Xamse Oo Tagay Degmada Balacad Kormeerayna Wadada Isku Xidha aBalacad iyo Jowhar

Abdiaziz Bnnstaff