Borama News Network

Booliiska Soomaaliya oo diyaariyay ciidamada sugaya amniga Maalmaha Ciidda.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha loogu talagalay in ay ka dhacaan dabbaaldegyada maalmaha munaasabadda Ciidul-fitriga oo maalinta 1aad ku beegan berri oo Arbaco ah 10ka April 2024.

Booliiska ayaa digniin u diray Wadayaasha Gaadiidka oo waxa uu sheegay in aanay la aqbali doonin in si mas’uuliyad darro ah loogu soo qaado dadka maadaama saxmad badan ay dhici karto si looga fogaado halista dhalan karta.

Waalidiinta ayuu sidoo kale Booliisku u diray digniin la xiriirta in ay la socdaan ubadkooda, dadka qabta ambadka ama carruurta ka dhumaan ayuu ku wargeliyay in uu Talisku kala shaqayn doonno sidii loo helo lahaa ama loo wareejin lahaa.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ay ka samaynayaan waddooyinka Magaalada Muqdisho iyo xaafadaha iyaga oo halkaas ka hirgeliyay rugo lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka la socda.

Related posts

Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Xukun Dheer Ku Riday Haweenay Cay Iyo Aflagaadaysay Ilaahay

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaarihii Hore Ee PakistanImran Khan Iyo Marwadiisa Oo Lagu Xukumay 14 Sano Oo Xabsi Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Deni:- Waco Tegay Aanu Ilawno Oo Cutub Cusub Furano

Abdiaziz Bnnstaff