Borama News Network

Booliska gobolka Banaadir oo ka hadlay dhallinyaro dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho

Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday tallaabooyin lagu xakameeynaayo dadka Baraha Bulshada ku soo gudbiyo dhaqamada Anshaxa xumada ah iyo falalka lidka ku ah Ammaanka

Qoraal ka soo baxay ciidanka Booliska gobolka ayaa lagu sheegay in ciidanka uu xoogga saari doona la dagaalka anshax xumada, waxaana lagu yiri, “Waxa aan xooga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada ayaa ah inaan aamisanahay in Asaluubta Bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah Dowladnimada.”

Sidoo kale Taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa Waalidiinta Soomaaliyeed faray in ay masuuliyad weyn ay iska saaran ubadkooda, iayaga sheegay in ay qasab tahay in ay la xisaabtamaan kalana shaqeeyaan ciidanka Booliiska sidii loo suuli lahaa falalka nuucaas ah.

Warkaan  ayaa ku soo aadaya xilli ay ciidanka Booliiska gobolka Banaadir ay wadeen Todobaadyadii u dambeeyo howlgallo ay ku soo qab-qabanayeen shaqsiyaad ku eedeysan in ay baraha bulshada ka wadeen falal amniga liddi ku ah iyo dhaqanno ka hor imaanaya anshaxa.

Related posts

“Reer Burco Waxa Aan Leeyahay Ha Dooranina Kuwii Dalka Dibindaabyeeyay, Iyo Dawladdii Xilkeedii Gabtay” Gudoomiye Maxamuud Xaashi

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Soo Jeediyey Saddex Qodob Oo Xal u Noqon Kara khilaafka Cusub Ee Doorashada.

Abdiaziz Bnnstaff

”In Dhowr Iyo Toban Sano Aan Dastuur Daba Taagnaano Ma’ahan, Waa In Aan Isbedel Samaynaa’.Raysal Wasaare Xamde Bare

Abdiaziz Bnnstaff