Borama News Network

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin boorso ku sitay hilbaha xaaskiisa oo googo’an

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu boorso ku sitay qeyb ka mid ah jir bini adan oo go’ay, iyadoo uu sheegay in ay ahayd xaaskiisa.

Xariga ayaa ka dhacay degmo ku taal bariga magaalada Nairobi markii ciidamada ilaalada ahaa ay ninkan ka shakiyeen inuu watay wax sharci darro ah. Su’aalo kooban ka dib, waxa uu booliska u kexeeyay gurigiisa, halkaas oo ay ka heleen mindi iyo qaybo kamid ah jir googo,ay oo ku jira sariir hoosteeda.

Eedeysanaha ayaa la soo taagay Maxkamad.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo xadgudubyada ka dhaca gudaha Kenya, iyadoo hay’adda xuquuqul insaanka ay sheegtay in ku dhawaad ​​boqol haween ah la dilay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Related posts

”Maanta Waxa Ugu Weyn Ee Aynu Qabanaynaa Waa Inaynu Dalka Badbaadino….” Gudoomiye Xirsi.

Abdiaziz Bnnstaff

Bulshada Reer Baki Oo Si Wayn Ugu Soo Dhaweeyay Darajada Cusub Ee Loo Dalacsiiyay Degmada Baki

Abdiaziz Bnnstaff

Sanad Ka Dib Markii Uu Dagaalka Sokeeye Ka Qarxay Dalka Sudan Iyo Xaalada Dalkaasi Oo Walaac Xoogan Laga Muujiyay

Abdiaziz Bnnstaff