Borama News Network

Ciidanka Dowladda Somaliya Oo Si Buuxda Ula Wareegay Amniga Goobaha Ay Ka Baxeen Ciidamada ATMIS

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo saaran mas’uuliyadda ballaaran ee amniga goobaha ay ka baxeen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gacan adag ku qabtay nabadgalyada goobahaas sida ay xaqiijiyeen mas’’uliyiin katirsan Dowladda.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Macallin oo ku howlan kala wareegista ATMIS goobaha la qorsheeyay in ay si buuxda ciidamada Soomaalida ugu wareejiyaan ayaa bogaadiyay kaalinta askarta Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in qorshaha labaad ee dhimista Ciidamada Midowga Afrika ay si buuxda uga wada shaqaynayaan Dowladda Federaalka & Howlgalkaas kumeel gaarka ah ee ATMIS si Ciidamada Soomaalida ay ula wareegaan mas’uuliyadda guud ee Dalka.

Soomaaliya ayaa horumar muuqda ka samaysay dhismaha iyo diyaarinta Ciidamada iyada oo taasi ay sii xoojisay kaddib markii ciidamada federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka Deegaanka ay ‘AS’ ka qabsadeen deegaanno dhowr ah.

Howlgalka Ciidamada Soomaaliya waxa uu soo jiitay indhaha dhinacyada sida dhow u daneeya arrimahaan waxaana ay kor usoo qaadday awoodda military ee qiimaynta sanad weliba lagu sameeyo waddamada kala duwan ee Caalamka.

Dhammaadka sanadkaan 2024 ayuu ku siman yahay muddo sharciyeedka sanadka ah ee loo kordhiyay askarta Midowga Afrika ee Soomaaliya soo galay horraantii sanadkii 2007dii, sida uu dhigayo qaraarka tirsigiisu yahay 2710 waxaa si buuxda amniga Dalka ula wareegaya Ciidamada Soomaaida ee sanadihii u dambeeyay loo diyaariyaya sugidda ammaanka Dalkooda.

Related posts

Biden Ma Waxa Uu Ku Ciyaarayaa Dab Mase Waxa Uu Qarka u Saaranyahay Kicinta Dagaalka Saddexaad Ee Dunida

Abdiaziz Bnnstaff

Baarlamaanka Somaliya Oo Maanta Ka Doodaya Wax Ka Bedelka Dustuurka Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Odayaasha Iyo Waxgaradka Beesha Ciise Oo Raadinaya Magta Wasiirka Cusub Ee Gaashandhiga Somaliland Oo Ay Sheegeen In Laga Xaday

Abdiaziz Bnnstaff