Borama News Network

Madaxwayne Xasan Sheekh: “Iskaashiga Afrika & Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha Dal kale”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka Afrika & Talyaaniga ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in Dal weliba uu ixtiraamo Dalalka kale si uusan ugu xadgudbin madaxbannaanidiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madasha ka dhex sheegay in aanay marnaba Soomaaliya aqbali doonnin tallaabooyinka xadgudubka ku ah madaxbannaanideeda & wadajirkeeda loona baahan yahay in Dal weliba uu Ixtiraam u muujiyo Dalka kale.

Shaqaynta Iskaashiga Afrika & Talyaaniga ayuu ku xiray in istixgelinta Dalalka Qaaraddaan dhaca oo haddii ay dhacdo faragelin ama xadgudub lagu sameeyo waddan kamid ah aanay shaqayn Karin iskaashigaan sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna” Ayuu yiri MW JFS.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhinaca kale waxa uu carrabka ku dhuftay in Soomaaliya horumar ay ka samaysay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Iskaashiga & ka gudubka caqabadihii in muddo ah lugaha ka dabrayay.

Waxa uu tusaale usoo qaatay Dhammaystirka Dayn Cafinta oo in muddo ah soo jiitamaysay, ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika & qaadista xayiraaddii waqtiga dheereed ee cunaqabataynta hubka sida uu khudbaddiisa kusoo hadal qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Xadgudubkii Itoobiya ay ku samaysay Madaxbannaanida & Wadajirka Soomaaliya 1dii Janaayo 2024 ayaa bar-madow ku reebay Xukuumadda Addis Ababa kaddib markii Dowladda Federaalka ay qaadday tallaabooyin diblumaasi oo ay uga dhiidhinayso xadgudubkaas.

Related posts

Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Adag Ugu Jawaabtay Siyaasi Cabdiqaadir Jirde

Abdiaziz Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Fasax Maanta La Galiyay Golahaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Anigu Kama Ganacsado Dareenka Dadka, Kuwa Dadka Abaabula….” Xildhibaan Mxamed Abiib