Borama News Network

Akriso Xogo Xasaasiya Oo Ka Soo Baxaya Weerarkii Lagu Qaaday Saldhiga Maraykanka Ee Dalka Urdun

Madaxweyne Joe Biden ayaa balan qaaday inuu jawaab adag ka bixin doono weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Axadii lagu qaaday saldhiga ciidamada Mareykanka ee dalka Urdun. Laakin caqabada Mareykanka ayaa ah in la helo dheellitir sax ah oo u dhexeeya ka hortagga iyo sii kicinta dagaalka.

Haddaba waa maxay waddooyinka u furan Mareykanka? Oo sidee tani u shaqeysaa?

Maraykanku waxa uu haystaa ama u furana dhawr waddo oo uu kala xusho. Kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka oo ah xog sirdoon oo laga helay CIA-da iyo Hay’adda Ammaanka Qaranka. Ka dib waxaa la horgeynayaa Golaha Amniga Qaranka Mareykanka iyo siyaasad-dejiyeyaasha, iyadoo madaxweynuhu uu go’aanka ugu dambeeya gaarayo uuna saxiixo waddada la doortay la doortay.
Waddada 1-aad: In la duqeeyo saldhigyada iyo taliyayaasha xulafada Iran
Tani waa waddada ugu macquulsan, waana mid horay Mareykanka uu isticmaalay.

Waxa jira tiro badan oo ka kooban saldhigyo, bakhaarro hub ah iyo xarumo tababar oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya kuwaas oo ay leeyihiin maliishiyaadka tirada badan ee Iran taageerto. Maleeshiyaadkan waxaa tababara, qalabeeya oo maalgeliya ciidamada Quds ee Ilaalada Kacaanka ee Iran (IRGC), laakiin qasab ma ahan inay iyaga maamulaan.

Maraykanku wuu yaqaan cidda ay yihiin iyo meesha ay joogaan. Waxay si fudud u fulisaa weerarro badan oo gantaallo ah oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyadan – laakiin tani ilaa hadda kuma ay guulaysan inay ka hortagto maleeshiyada, kuwaas oo in ka badan 170 weerar ku qaaday saldhigyada Maraykanku ku leeyahay gobolka tan iyo 7-dii Oktoobar.
Mas’uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay koox isku magacawday iska caabinta Islaamiga ah ee Ciraaq.

Tani waa dallad ay ku midaysan yihiin tiro maleeshiyaad ah oo ay Iiraan taageerto, kuwaas oo qaarkood horay ka barbar dagaallamay ciidmada Mareykanka gaar ahaan dagaalkii ka dhanka ahaa Daacish. Waxa ay Iran wadaagaan ujeeddooyin mideysan oo ah in ciidamada Mareykanka laga saaro Ciraaq iyo Suuriya iyo in Mareykanka lagu ciqaabo taageerada milatari ee uu siiyo Israa’iil.

Waddada 2-aad: Duulaan ka dhan ah Iran
Tani waxay noqon mid adag mana ahan wax uu Mareykanku si fudud u tixgelin doono.

Aad bay u adag tahay, in kasta oo aan la meesha laga saari karin, in aargoosiga Maraykanku ay ku jirto in la bartilmaameedsado dhulka Iran.

Sida ay sheegeen Washington iyo Tehraan midkoodna ma doonayo in uu galo dagaal baaxad leh oo u dhaxeeya labada dhinac. Jawaabta Iran waxaa ka mid noqon kara inay isku daydo inay xirto marin-biyoodka Hormuz ee dhaqaale ahaan muhiimka ah, kaas oo 20% saliidda iyo gaasta dunidu ay maraan. Tani waxay saameyn adag ku yeelan doontaa dhaqaalaha adduunka, kor u kaca qiimaha iyo dhab ahaantii waxay dhaawacaysaa fursadaha Madaxweyne Biden ee dib-u-doorashadiisa bisha November.

Dagaalka tooska ah ayaa waxa uu Mareykanka ku baddeli karaa in la daba galo taliyayaasha sare ee ciidamada IRGC ee Ciraaq ama Suuriya.

Waxaa jirta arrin horudhac u ah arrintan, oo ay ugu caansan tahay afar sano ka hor markii madaxweynihii xilligaas ee Donald Trump uu amar ku bixiyay duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay taliyihii ciidamada IRGC Quds Force, Qaasim Suleymaani oo ku sugnaa Baqdaad 2020. Laakiin tani sidoo kale waxaa loo arki karaa inay sii kordhineyso xiisadda iyo jawaabaha Tehraan.
Tallaabada 3: In uusan ka jawaabin
Waxa jira qaar ka tirsan hay’adaha Maraykanka oo ku doodaya, marka la eego xiisadaha hadda ka taagan bariga dhexe, inay mas’uuliyad darro tahay in Washington ay hadda weerto danaha Iran, gaar ahaan iyadoo lagu jiro sannad doorasho.

CENTCOM, oo ah qeybta ka tirsan Waaxda Difaaca Mareykanka ee ka shaqeysa Bariga Dhexe, ayaa horey u maamuleysay mashruca xakameynta Xutiyiinta ee weerarada ku qaada maraakiibta mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waxa kale oo ay dhagaysan doontaa codsiyo ka imanaya xulafada Maraykanka ee gobolka oo ku saabsan in aanay kicin colaad ballaaran oo Bariga Dhexe ah.

Weerarrada malayshiyaadka ay Iran taageerto waxay ka horreeyeen dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee QaSa – laakiin aad ayay u kordheen tan iyo 7 Oktoobar. Marka weerarka Israel ee Qasa la soo gebagebeeyo waxaa laga yaabaa in xiisadda gobolka ay hoos u dhacdo, inkastoo Israa’iil ay ka digayso in weli bilo ka harsan tahay soo afjaridda dagaalka.

Waxaa jira baaqyo ay qaar ka mid ah dadka Washington ugu baaqayaan in Mareykanka uu yareeyo ciidankiisa Bariga Dhexe. Madaxweyne Trump, ayaa markii uu xafiiska joogay waxa ay ku qasbanaadeen in uu ku qanciyo madaxdiisa militariga iyo sirdoonka in aan laga soo wada saarin dhammaan ciidamada Mareykanka ee Suuriya, halkaas oo ay ka caawinayeen xoogaga Kurdiyiinta in ay meesha ka saaraan Daacish.

Waxaa jirta suurtogalnimo xooggan oo ah in Trump uu ku soo laabto Aqalka Cad, markaas Iran ay heli doonto waxa ay dooneyso, haddii uu go’aansado inuu hoos u dhigo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya.

Related posts

Madaxwayne Erdogan: Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadaha Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Ahaan Waanu Tashanay Sharci Dorona Ma Aqbalayno”Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed

Abdiaziz Bnnstaff

” Doorasho Inay Dhacdaa Waa Qasab ” Suldaan Xasan Oo Shaaciyay In Ay Qasab Tahay In Ay Doorasho Ka Dhacdo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff