Borama News Network

Ciidanka Israaiil Oo Duqayn Ka Gaystay Duleedka Magaalada Dimishiq Ee Suuriya.

Ciidanka Israaiil ayaa duqayn ka gaystay duleedka Magaalada Dimishiq ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabta Suuriya sida ay sheegeen saraakiil katirsan Militariga Dalkaas oo u xog-warramay Wakaaladda Wararka SANA.Weerarkaan ayaa dhacay aroornimadii hore ee Talaalada Maanta inkasta oo aan la sheegin khasaaraha ka dhashay, saraakiil katirsan ciidanka Dowladda Suuriya ayaa tilmaamay in keliya waxyeello gaartay guryo & agab yaallay.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa dhankeeda sheegtay in weerarkaan uu ahaa mid duqayn ah oo laga tuuray Buuraha Golan ee Ciidanka Israaiil horay uga qabsadeen askarta Suuriya balse dhankeeda ma sheegin waxyeello ka dhalatay.

Ciidamada Yuhuudda ayaa dhowr jeer weerarro ka gaysatay Dalalka Suuriya iyo Lubnaan iyada oo sababta go’aankaas ku sheegtay mid ay uga hortagayso dhinacyada hubaysan ee halkaas jooga waa sida ay hadalka u dhigeen.

Israaiil waxa uu jab wayn kasoo gaaray dagaalka ka socda Magaalada Gaza oo waxaa looga dilay saraakiishii iyo ciidankii ugu badnaa ee waayahaan dagaal uga dhinta halka weli laga haysto Maxaabiistii laga soo afduubtay xeryihii ay ku faanayeen in amnigooda aad loo adkeeyo.

Related posts

Shiinaha oo ku dhawaaqay tallaabo aargoosi ah xili ay canshuuraha Trump ay dhaqan galayso

Abdiaziz Bnnstaff

“Hadey Itoobiya Ka Go’antahay Inay Dhulkan Imaato Anagana Way Naga Go’antahay Inaan Ku Dhimano” Wiil Dhalinyaro Somaliyeed Ah

Abdiaziz Bnnstaff

“Maanta Ciqaab kale ha galina oo Muuse ka leexda”Gudoomiye faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff