Waxaa jirtay waqti ay NATO sameyn jirtay in gebi ahaanba ay isaga fogaato magacaabista amaba in ay soo hadal qaaddo Ruushka marka ay ka faalloneyso arrimaha la xiriira ciidamada Ruushka.
Sababta ayaa ahayd in laga fogaado in la abuuro daandaansi. Laakiin duullaankii buuxay ee Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa gebi ahaanba taas beddelay.
Hadda, howlgal waliba waxa uu dhacaa iyada oo maanka lagu hayo Moscow. Mid ka mid ah ujeedooyinka muhiimka ah ee howlgalka ee la sheegay waa in la joojiyo Ruushka.
Waa dhoolatuskii ugu weynaa ee NATO ay sameyso tan iyo dhamaadkii dagaalkii qaboobaa, waxaana ka qeyb qaadanaya 90,000 oo askari, waxaana uu ka dhacayaa dhanka bari ee Yurub bilaha soo socda.
Difaaca joogtada ah ayaa sidoo kale ah tijaabadii ugu horreysay ee qorshayaasha cusub ee militariga NATO, oo loogu talagalay in lagu geeyo ciidamo iyo qalab xawaare iyo miisaan si ay u taageeraan xulafo kasta oo la weeraro. Waana xaqiijinta ujeeddada NATO: in weerar lagu qaado xubin ka mid ah ay dhalin doonto jawaab guud.
Donald Trump ayaa laga yaabaa inuu su’aal galiyo ujeeddada NATO, balse Mareykanka ayaa weli ah laf dhabarta.
Eivor, oo 21 jir ah, cilmiga caafimaadkana ka baratay Norway, haddana ah askariyad, ayaa sheegtay in awoowgeed iyo reerkoodii ay ku qasbanaadeen inay isla gobolkan ka cararaan markii Naasiyiintu soo galeen dagaalkii labaad ee adduunka.
“Waxaan doorbidayaa inaan halkan joogo oo aan dagaalamo,” ayey tiri. Ma filayo in Ruushku ku soo duulo “laakiin dabcan mar walba waa inaad feejignaataa.”
Waa dhoolatuskii ugu horeeyay ee ugu weyn ee NATO ay ka qeyb qaataan ciidamada Sweden iyo Finland iyagoo xubin buuxda ka ah.
Waxaa jirta xamaasad laga dheehan karo ciidamadeeda ka mid noqoshada mid ka mid ah xulafada militari ee ugu weyn dunida.
Intii lagu guda jiray is diyaarinta, aragtiyo ayaa laga bixiyay howlgalkan, qof ayaa yiri “Ruushka wuxuu ka cabsanayaa NATO.” Saaxiib Swedish ah ayaa sheegay in uu dareemayo “ammaan aad u sarreeya” hadda markii waddankiisu ku biiray isbahaysiga.
Siyaasiyiinta ayaa iyaguna qaba dareen midkaas lamid ah.
Wasiirrada difaaca ee Sweden, Finland iyo Norway ayaa u dabaaldegay midnimadooda cusub ee Waqooyiga Yurub iyagoo daawanayay qeyb ka mid ah dhoolatuska xilli ay ku sugnaayeen soohdin calaamad u ah ciidamada Finland oo soo galay Norway si ay isaga caabiyaan soo duulayaasha khiyaaliga ah.Mid kasta oo iyaga kamid ah ayaa dhoolla cadeynayay xilli ay sawirro ku galeen gantaal agtiisa.
Wasiirka difaaca ee Sweden Pål Jonson ayaan wax dhib ah ka qabin in uu milix ku masaxo nabarrada uu Ruushku isu gaystay. Wuxuu ku tilmaamay ku biirista NATO ee Sweden iyo Finland inay tahay “hooyada dhammaan cawaaqibka lama filaanka ah” ee Moscow.
Waxa uu xusay in Ruushku uu si ba’an isugu dayay in uu ka hortago ku biiritaanka labadaas dal ee NATO balse uu ku guul darreystay.
Si kastaba ha ahaatee, runtu waxay tahay in xubinnimada Finland ay sidoo kale keentay in NATO ay aad ugu dhawaato Ruushka, kaas oo la wadaaga xuduud ku dhow 1,300 kiiloomitir taas oo xulafadu ay hadda sidoo kale difaaci doonaan.
Intee in le’eg ayay khatartu run tahay?
Qofna ma caddeyn karo in Ruushku yahay khatar soo fool leh, maadaama ciidamadeedu ay hadda ku howlanyihiin Ukraine. Laakiin waxaa jira fikrad ah in, mustaqbalka fog, Ruushku sidoo kale bartilmaameedsan karo waddan katirsan NATO.
Mid ka mid ah taliyayaasha sare ee ciidamada Sweden ayaan wax shaki ah ka qabin in hamiga Moscow uu dhaafo Ukraine.
Lt. Gen. Carl-Johan Edstrom ayaa sheegay yiri, “Waan hubaa in Ruushka uu khatar yahay, taasi waa sax, waxaana loo baahan yahay in aan sii xoogaysanno 5-ta ilaa 10-ka sano ee soo socota.”
NATO, ayuu yiri, waa in ay fursadaas u adeegsadaan xoojinta ciidamadooda qalabka sida.
Dhowr madax ah oo kale oo ka tirsan militariga Yurub iyo siyaasiyiin ayaa sidoo kale ka digay suurtagalnimada in Ruushka uu weeraro xulafada NATO tobanka sano ee soo socda .
Wadamada Waqooyiga Yurub, waxay u muuqdaan inay leeyihiin dareen khatar ah. Taasi waxay ka timaadaa ku noolaanshaha u dhawaansho ee Ruushka.
Waa kuwa kor u qaadaya maalgashiga difaaca si ka dhakhso badan kuwa kale.
Waddamadan Waqooyiga Yurub, difaacu sidoo kale wuxuu ku lug leeyahay dadweynaha, waana wax aan ka dhicin qaybaha kale ee Yurub. Dhammaantood waxay leeyihiin nooc ka mid ah adeegga milatariga, taasoo la micno ah dhammaan jiilalka waxay leeyihiin khibrad ciidan qaar badanna waxay sii wadaan inay u adeegaan kaydka.
Laakiin qof kasta oo NATO ku jira maaha mid si weyn u diyaarsan. Meelo kale oo Yurub ah, oo ay kamid tahay Boqortooyada Ingiriiska, ciidamada ayaa dhibaato kala kulmaya qorista.
Ciidamada xirfadda leh ee ka qeyb qaadanaya dhoolatusyadaan ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan maleeshiyaadka gudaha dalka Norway, kuwaasi oo u badan askar waqti dhiman ah.
Josefine, oo ah macalimad 21 jir ah oo ka tirsan dugsiga barbaarinta, ayaa tiri “waxaan haysanaa dad badan oo khibrad ciidan leh, taasina waxay i dareensiisay ammaan, sababtoo ah meel kasta ayaan joognaa.”
Dhankeeda, Elisabeth, oo ah kalkaaliye caafimaad oo 20 jir ah, ayaa faallo ka bixisay “waa muhiim in la helo dad runtii doonaya inay Norway difaacaan, si aan dhammaanteen u dareenno badbaado.”