Borama News Network

Dagaalka Qasa: “Ciidamada Israa’iil waxay qodeen 1,100 qabri gudaha Qasa si ay u xadaan xubnaha maydadka”

Sida uu sheegay xafiiska warfaafinta ee xukuumadda Qasa “ciiadamada Israa’iil waxa ay qodeen 1,100 qabri oo ku yaala xabaallaha Tufaax, bariga magaalada Qasa, waxayna xadeen maydadka 150 qof…tani waa dambi cusub oo kamid ah taxanaha dambiyada ay galayaan kuwa soo duulay inta ay ku guda jireen dagaalkooda isir sifeynta ah ee ka dhanka ah shacabkeena Marinka Qasa”.

Wuxuna intaa ku daray bayaanka xafiiska warfaafintu:

“Ciidamada Israa’iil waxay dambigan soo celceliyeen marrar badan, waxana u dambeeyay maydadka 80 qof oo horey u shahiiday kuwaas oo ay ka xadeen gobolka Qasa, iyo woqooyiga Marinka, iyagoo markii dambe soo wareejiyay iyagoo lagu aasay Rafax, waxana ka muuqday jirkooda isbadal weyn, waxana si cad u muuqata in xubnaha qaarkood lagala baxay”.

Sabtidii Falastiiiniyiintu waxay maydad la soo faagay dib ugu aaseen xabaallaha xaafadda Qasa, halkaas oo ay horey ciidamada Israa’iil uga fuliyeen weerar dhinaca dhulka ah dhamaadkii bishii Oktoobar ee sanad kii hore sida uu muujiyay muuqaal ay leedahay France Press.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay baari doonaan, mana bixin faahfaahin intaa ka badan.

Related posts

Dowlada Soomaaliya Oo War Cusub Ka Soo Saartay Xiisada Itoobiya Iyo Bixitaanka Ciidamadooda.

Abdiaziz Bnnstaff

Maraykanka Oo Si Adag U Cambaareeyay Weerarkii Xalay Ka Dhacay Xerada Ciidanka Ee Gen Gordan Ee Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

Nigeria:- 30 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Dhex Martay Muslimiin Xoolo Dhaqato Ah Iyo Masiixiyiin Beeralay Ah

Abdiaziz Bnnstaff