Borama News Network

Dibad-Baxyo Looga Soo Horjeedo Colaadda Bariga Dhexe Oo Ka Qaar Ka Mid Ah Dalalka Caalamka

Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa Sabtidi shalay isugu soo baxay waddooyinka qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee caalamka, iyada oo mudaaharaadyaashu ay dalbadeen in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Dibadbaxayadan oo sidoo kale la filayo in meelo kale oo dunida ah ay ka dhacaan Axadda maanta ah ayaa kusoo beegmaya, maalin ka hor sannadguurada koowaad ee dagaalka Gaza.

Ku dhawaad 40,000 oo mudaaharaadayaal taageersan Falastiin ayaa socod ku maray bartamaha London, halka kumanaan kale ay isugu soo baxeen magaalooyinka Paris, Roma, Manila, Cape Town iyo New York City.

Bannaanbaxyo ayaa sidoo kale lagu qabtay meel u dhow Aqalka Cad ee Washington, kuwaas oo looga soo horjeedo taageerada uu Mareykanka siiyo Israel kaas oo ay u adeegsaneyso ololaheeda militari ee Gaza iyo Lubnaan.

Dhanka kale, Israel ayaa Sabtidi iyo aroonimada hore ee Axadda maanta ah sii wadday duqeymaha cirka ah ee ay ka waddo Lubnan.

Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in duqeymo waaweyn oo xiriir ah ay ka dhaceen duleedka koonfureed ee Beirut xalay iyo shalay galab.

Duqeymahan ayay Israel ka fulineysay Lubnan saddexdi todobaad ee lasoo dhaafay, waxana ay ku dishay boqollaal qof oo isugu jira dad rayid ah iyo xubno ka tirsan Xisbullah oo uu ku jiro hogaamiyihi Xizbullah, Sayyed Xasan Nasrallah.

Related posts

Macalinkii Lagu Dhex Dilay Iskuulka Oo Maanta Lagu Aasay Duleedka Magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff

“Maraykanka Danbaa Ugu Jirta Wadahadalka Somaliya Iyo Somaliland”Ex Wasiir Cawaale Shirwac

Abdiaziz Bnnstaff

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Eedaymihii Ugu Cuslaa U Jeediyay Dowlada Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud

Abdiaziz Bnnstaff