Borama News Network

Mucaaradka Dalka Itoobiya Oo Culays Xooggan Saaray Xukuumadda Abiy Ahmed

Jahwareer siyaasadeed iyo mid amni ayay majaha la gashay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo isugu darsameen xil ka tagistii ku xigeenkiisa, isbaddel uu ku sameeyay xubnaha la safan iyo mucaaradka hubaysan ee Addis Ababa culayska saaraya.

Abiy Ahmed oo damacsan in uu iska kala yareeyo culayskaas saaran waxa uu Taliyihii Sirdoonka Dalkaas Temeseng Tiruneh uu u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalkaas halka Lataliyihiisii dhinaca Amniga Ridwaan Xuseen uu ka dhigay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya.

Jabhadaha hubaysan ee salka la galaya qowmiyadaha Itoobiya ayaa todobaadyadii u dambeeyay waxa ay kusii siqayeen saldhigyada waaweyn ee Ciidanka Federaalka ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Addis Ababa.

Siyaasiyiinta dibad-joogga ka ah Itoobiya qaarkood ayaa sheegay in Xukuumadda Abiy Ahmed aanay hayn dhabbaha xalka ee lagu damin karo colaadda Dalkaas ka billaabay sanadkii 2020 ee salkeedu ah muranka Doorashada guud ee Waddankaas.

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa markaan la karkaraysa kulka uga imaanaya gudaha iyo midka dibadda iyada Dowladdu kordhisay colaadda ay u beerayso Dalkaas maadaama tallaabooyinka ay qaadayso aanay u wanaagsaneen Dadka Dalkaas.

Related posts

” Anigu Waxaan Doonayaa In Aynu Bedelo Dhamaan Hogaamiyaasha Siyaasadda Somaliland, Sababtoo Ah” Siyaasi Cabdilaaho Dahab

Abdiaziz Bnnstaff

Midawga Afrika oo war ka soo saaray damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas

Abdiaziz Bnnstaff

“Inankaa Sirdoonka Haysta Ee Deg Dega Badan Waxa Uu Doonaya In Uu Dadka Iyo Dalka Kala Diro …”Xildhibaan Barkhad Batuun

Abdiaziz Bnnstaff