Borama News Network

Dibadbaxayaasha Israaiiliyiinta ah oo Ra’iisul Wasaarahooda Netanyahu ka dalbaday in uu is casilo

Dadka Yuhuudda ah ee qaarkood Xamaas ka qafaalatay xubno katirsan ehelkooda iyo kuwo kale oo doonaya in la badbaadiyo ciidamada cusub ee goobaha dagaalka loo daabulayo ayaa Xukuumadda Benjamin Netanyahu ka dalbaday in ay is casisho isla markaana joojiyo dagaalka.

Waxa ay Dadkaan soo qaateen boorar lagu sawiray Ra’iisul Wasaraare Netanyahu oo wajigiisa dhiig badan ay ku daadiyeen iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo si toos ah uga dhan ah Golaha Xukuumadda Dagaalka ee loo aasaasay dagaalladaas socda.

Inta badan Dadkaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Netanyahu ay ku fashilantay in ay awood kusoo furato xubnaha ehelkooda ah ee u qafaalan Dhaqdhaqaaqa Xamaas tan iyo bishii Oktoobar sanadkii tagay 2023.

Sidoo kale waxa ay u sacbo-tumeen in markale la furo wadahadal lagu soo daynayo Maxaabiista maadaama xalka keliya ee muuqda uu yahay in wada-xaajood Maxaabiis is dhaafsi ah la sameeyo haddii kale la haystayaashu ku dhiman doonnaan rasaasta ciidankooda.

Afhayeenka Xamaas Abuu Cubayda oo dhowaan Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dadka ay haystaan wajahayaan halis badan oo uga imaanaysa dhinaca Militariga Israaiil kuwaas oo qarka u saaran in ay ku ruux baxaan gantaallada duqaymaha ay u adeegsanayaan Yuhuudda.

Related posts

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdusho Iyo Dad Shacab Ah Oo Ku Dhintay Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Qaar Ka Mid Ah Isbitaalada Dalka

Abdiaziz Bnnstaff

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK oo loogu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan difaaca Madaxbannaanida Iyo wadajirka Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff