Borama News Network

Dowalada Maraykanka Oo Ka Walaacsan In Farogelin Lagu Sameeyo Doorashadiisa Madaxtinimada

Saraakiisha ammaanka ee Maraykanka ayaa ku dhiiranaya inay si cad uga hadlaan, farsamada casriga ah ee sida xawliga ah ku socota, gaar ahaan aaladaha ku shaqeeya garaadka macmalka ah ee la horumariyey ama Artificial Intelligence, iyo halista ka iman karta marka ay adeegsadaan dalalka cadawga ku ah Maraykanka, gaar ahaan xilliyada lagu jiro doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Agaasimaha hay’adda dembibaadhista Maraykanka ee FBI Christopher Wray ayaa soo saaray digniin ku aaddan, inay jiraan isku dayo la doonayo in lagu farogeliyo codaynta muwaadiniinta Maraykanka, gaar ahaan cidda ay tahay inay u codeeyaan doorashada dhacaysa bisha November ee soo socota.

Agaasimaha ayaa u sheegay shir ay yeesheen saraakiisha amnigu, in farsamada casriga ah sida AI ama garaadka macmalka ahi, inuu durba bedelayo sidii loo arki jirey halista ama khataraha.

Agaasimaha ayaa sheegay in doorashadan soo socota uu Maraykanku la kulmi doono haliso uga yimaadda dhinacyada ay is hayaan, kuwaas oo ku socda xawaare sare, iyaga oo adeegsanaya farsamada casriga ah ee cusub.

Digniinta uu soo saaray agaasimaha hay’adda FBI ayaa ku biiraysa, walaaca ay toddobaadkii hore arrimahan ka muujiyeen sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Aqalka Caddiba.

Guddoomiyaha guddida sirdoonka ee Aqalka Sare ee Maraykanka Mark Warner ayaa sheegay, inuu ka walaacsan yahay, in Maraykanku aanu si weyn ugu diyaarsanayn, farogelin shisheeye oo lagu sameeyo doorashooyinka dhacaya dabayaaqada sannadkan.

La taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka Jake Sullivan ayaa isaguna u sheegay barnaamijka Meet the Press ee ka baxa telefiishanka NBC inay jiraan arrimo badan oo keenaya in walaacan la muujiyo.

Wuxuu sheegay in la hayo farogelin ka timi dalka Ruushka iyo hay’adihiisa sirdoonka oo lagu sameeyey doorashooyinkii madaxtinimada ee Maraykanka.

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa warbixino ay soo saareen ku sheegay in Ruushku uu farogelin ku sameeyey doorashooyinkii madaxtinimada ee sannadkii 2016 iyo 2020. Hase ahaatee Ruushka keliya maahayn cidda farogelintaas samaysay.

Qoraalo sir ahaa oo ay diyaariyeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka, hase ahaatee la baahiyey mardambe ayaa lagu xusay in dalalka Shiinaha iyo Iran inay kula socdeen Ruushka, si wax looga bedelo natiijada doorashada gaar ahaan doorashooyinkii xilliga dhexe.

Related posts

Gudiga Dhaqanka Ee Beelaha Habarcafaan Oo Hambalyo Iyo Duco U Diary Madaxwaynaha Iyo Ku Xigeenkiisa Cusub Ee La Doortay

Abdiaziz Bnnstaff

Urur Goboleedka IGAD Oo Digniin Ka Soo Saaray Roobab Mahiigaan Ah Oo Ku Soo Fool Leh Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Maxkamadda Cadaaladda oo Diiday Codsigii Koonfur Afrika Ee ku Aadanaa Waxa Ay Ugu Yeedhay Xasuuqa Qasa.

Abdiaziz Bnnstaff