Borama News Network

Dowlada Burkino Faso Oo Mamnuucday Idaacadaha BBC Iyo VOA Iyo Sababta Oo La Shaaciyay

Waaxda sharciyeynta warbaahinta ee dalka Burkina Faso ayaa xayiraad labo todobaad ah ku soo rogtay barnaamijyada BBC Afrique iyo VOA, kaddib markii ay baahiyeen warbixinta Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee HRW ku eedeynayso xadgudubyo ka dhan ah rayidka ciidanka milatariga Burkina Faso.

Sidoo kale helitaanka boggaga internet-ka ee BBC, VOA iyo HRW ayaa laga xiray in laga daalacdo gudaha Burkina Faso.

Golaha warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale diginin u diray dhammaan warbaahinta gudaha.

VOA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto tabinteeda warrarka Burkino Faso, iyadoo si dhexdhexaad ah u soo gudbinaysa.

HRW ayaa daabacday warbixin sheegeysa in milatariga Burkina Faso uu toogasho ku dilay 223 qof oo rayid ah 25 kii Febraayo waqooyiga wadanka.

Bishii Diiseembar 2023 kii, wadankan galbeedka afrika ku yaala waxa kale oo uu shaqada ka joojiyay wargeyska French daily le monde, iyagoo ku eedeeyay hab tabin dhinac u xaglinaysa.

Sidoo kale waxa ay mamnuuceen sanad kii hore illaa sedex warbaahin oo calami ah, kuwaas oo kala ah wargeyska af faransiiska ku soo baxa ee Jeune Afrique, telefishanka faransiiska qaybtiisa La Chaîne Info (LCI), iyo Telefishanka France24

Related posts

Gudidda Doorashooyinka Oo Shaaciyay Qaabka Coddaynta Sanduuqa ee Muwaadiniinta

Abdiaziz Bnnstaff

Tahriibayaal Ku Dhintay Marin Biyoodka U Dhexeeya Dalalka Faransiiska Iyo Ingriiska

Abdiaziz Bnnstaff

Diblamaasi Muddo 40 Sano Ah Basaasayay Dowlada Maraykanka Oo Lagu Xukumay Xabsi 15 Sano

Abdiaziz Bnnstaff