Puntland ayaa diidmadeeda ku xoojisay in aanay loo dhammayn dib u eegistaas Dastuurka Kumeel-gaar ah ee Dalka sidaas awgeed loo baahan yahay in marka hore laga wada-xaajooda oo dhinacyada heer Federaal & heer Dowlad-Goboleed isugu yimaadaan wadatashi.
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ka baaqatay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka sabab la xiriirta khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya Dowladda Federaalka balse kulamadii Golahaas uma joogsan maqnaashiyaheeda.
Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka Dowlad-Goboleedka Puntland: