Borama News Network

Dowlada Iran Oo Digniin Culus U Dirtay Dalalka Ka Difaacaya Isreal Iyo Dalalka Garabsiinayba

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa u goodisay Dalalka qaarkood xadka la wadaaga ee heshiiska horay ula galay Israaiil waxaana ay uga digtay in ay magangalyo siiyaan dhinacyada damacsan in ay ku duullaan Tehran.

Iiraan ayaa sheegtay in ay ka qaadayso tallaabo culus oo ay ka shalaayi doonaan balse xalka keliya ay ku kala badbaadi karaan ay tahay in ay gacmaha ka laabtaan dagaalka ay ku beegsatay Israaiil kana fogaadaan martigelinta Isbahaysiga uu hormuudka u yahay Maraykanka.

Tehran ayaa muddo ku goodinaysay in ay jawaab ka bixin doonto saraakiil sare oo marar kala fog ay Israaiil ku beegsatay Dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan waxaana loo arkayay in hanjabaadda Iiraan aanay afka dhaafsiisaneen balse xalay ay weerar qaadday.

Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa xiriir degdeg ah la sameeyay Madaxweynaha Joe Biden waxaana uu ka dalbaday in laga garabsiiyo difaaca hubka culus ee uga imaanaya dhinaca Iiraan.

Dalal badan ayaa dhegaha la raacaya hanjabaadda culus ee Iiraan maadaama diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka ah ee ay u adeegsatay weerarka oo ah kuwo aanay ilaa haatan laga iibin waddamo dalbaday oo uu kamid yahay Ruushka.

Related posts

Ciidanka Israaiil oo Gaza ku dilay 350 Macallin & 430 Arday oo Dugsi sare dhiganaysay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Hawlgalo Laga Fuliyay Shabeelaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff

Buuq Gacan Ka Hadal sababi gaadhay oo golaha wakiiladda ka dhacay

Abdiaziz Bnnstaff