Borama News Network

Maraykanka Oo Sheegay In Uusan Ka Qayb Qaadanayn Haddii Israa’iil Ay Weerar Celin Ku Samayso Iran

Falanqeeyayaasha ayaa qiyaasaya in weerarkan Israa’iil kaga yimid dawladda Iran uu horseedi doono tallaabo aargoosi ah oo ay Israa’iil qaado.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay CNN, oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan maamulka, Madaxweyne Joe Biden ayaa mar hore u sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in Maraykanku uusan ka qayb qaadan doonin weerar kasta oo ka dhan ah Iran.

Dhanka kale, sarkaal Israa’iili ah ayaa u sheegay wargeyska New York Times in jawaab kasta oo ay Israa’iil ka bixiso ay “la xidhiidhin doonto xulafadeeda”.

Sida aan soo tabinnay, Biden wuxuu sheegay in Maraykanku uu ka caawiyay Israa’iil in ay soo rido “ku dhawaad dhammaan” duullaankii 300 ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ee ay ridday Iran.

Related posts

Dowlada Somaliya Ku Dhawaaqday In Ay Iska Difaaci Doonto Itoobiya Hadii Ay Ku Adkaysato Fulinta Heshiiskii Ay La Gashay Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Abwaan Xasan Sheekh Muumin Waxa uu yidhi Masiibada u Mahad Naqa”Wasiir Buuxane

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Masar oo sheegtay in hoos u dhicii ugu weynaa ee dhaqaaluhu ka soo gaadhay Badda Cas.

Abdiaziz Bnnstaff