Borama News Network

Dowlada Kenya oo dalal kale oo Afrikaan ah ka dhaaftay khidmada dalkugalka bilaashka ah

Kenya ayaa dadka sita baasaboorka Koonfur Afrika iyo lix dal oo kale ka dhaaftay in ay bixiyaan khidmad dalkugal oo bishii hore Kenya lagag dhawaaqay.

Dawladdu waxay meesha ka saartay shuruudihii fiisaha ee dhammaan dadka haysta baasaboorka ajnabiga ah bishii hore.

Talaabadan ayaa loo arkay in ay tahay isku day lagu doonayo in lagu hormariyo Kenya oo ah goob loo dalxiis tago iyo in lagu soo jiito dadka safarka ah ee ganacsiga.

Laakin $30 doolar oo ah khidmad gelitaanka ayaa la bilaabay, oo ay ku jiraan booqdayaasha qaarkood oo aan markii hore looga baahnayn fiisooyin.

Go’aankan ayaa dhaliyay fal celin weyn, iyadoo dadka dhaliila ay sheegeen in ay keeni karto in wadamada Kenya ay kula jirto heshiisyada fiisa la’aanta ay Kenyanka kusoo rogi karaan isla tan oo kale, taasoo keenta in safarka uu noqdo mid qaali ah.

Kaliya dadka safarka ah ee ka socda urur goboleedka bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa laga dhaafay bixinta lacagta.

Marka laga soo tago Koonfur Afrika, ka-dhaafitaanka ayaa lagu daray dadka haysta baasaboorka shanta waddan ee kale ee Afrika – Itoobiya, Eritera, Congo-Brazzaville, Comoros iyo Mozambique.

San Marino, oo ah waddanka saddexaad ee ugu yar Yurub, waa waddanka kaliya ee kale ee ku jira liiska ka-dhaafitaanka fiisaha.

Related posts

Maxay kawada hadlayaan Labada Guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya Iyo Jabuuti?

Abdiaziz Bnnstaff

“Suuqii Bakaaraha maalintii labaad ayuu xiran yahay Dadkii wey Shooksan yihiin,Hey’adihii Dowladda ayaa kala shakiyay,yaan laga shaqeyn in lagu kala tago Dowladnimada”Xildhibaan Daahir Jeesoow.

Abdiaziz Bnnstaff

Safiirrada Beesha Caalamka oo Tartameyaasha ugu baaqay in ay Natiijada Aqbalaan

Abdiaziz Bnnstaff