Borama News Network

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay heshiiskii Turkiga ee ay hore u meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanku

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay heshiiska iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga oo ay hore u ansixiyeen golaha wasiirrada iyo Baaralamaankuba.

“Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyay, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya” ayaa lagu qoray bogga Facebook ee Villa Soomaaliya oo si toos ah usoo xiganaya Madaxweynaha.

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano ayey dawladda Soomaaliya sheegtay in uu “taageerayo hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor tagga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna”.

Related posts

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyada Leh Ku Diiday Wax Ka Bedelkii Guurtida Ee Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Biixi Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo, Ayaa Safar Shaqo Ugu Ambo Baxay Dalka Ethiopia.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Wareegto Madaxwayne Xilkii Kaga Qaaday Guddoomiye Ku Xigeenka G.Salal

Abdiaziz Bnnstaff