Borama News Network

Dowlada Somaliya Oo Cambaarayn Xoogan U Jeedisay Dowlada Itoobiya Iyo Sababta

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Ethiopia in ay isku dayday in ay carqaladeyso wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud oo ka qeyb galayay Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

“Ficilladan waa kuwo burinaya dhammaan hab maamuuska diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, iyo dhaqammada Midowga Afrika” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Qoraalkan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu yiri “dhaqankan waxa uu ku biirayaa liiska ficillo aan la isku halleyn karin oo ay dhawaanahan sameyneysay Ethiopia.”

Qoraalka waxaa lagu yiri, “mar haddii ay Ethiopia martegeliso xarunta Midowga Afrika, madaxdeeda iyo hoggaankeedaba waxaa waajib ku ah in dhammaan madaxda Afrika ay si isku mid ah ula dhaqmaan.”

Qoraalka dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay ficilka Ethiopia, iyadoo dhinaca kale loogu baaqday Midowga Afrika in ay baaraan sida arrintan ay ku dhacday.

Dhinaca kale, sida ay warinayaan qaar ka mid ah warbaahinta Ethiopia, Madaweynaha ayaa u sheegay wariyeyaasha in Itoobiya ay “xushmad darro” kula dhaqantay shir madaxeedka Midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa.

Waxaa uu madaxweynaha u sheegay wariyeyaasha in saraakiisha amniga ay isku dayeen in ay diidaan in uu galo hall-ka shirku ka socdo, balse markii dambe loo oggolaaday.

Mar uu ka hadlayay muranka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ethiopia ayuu Madaxweynaha yiri “waxaan ka xumahay in Itoobiya ay isku daydo in ay qiil u samayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland, oo ay doonayso inay dhul kaga qaadato Soomaaliya.”

Sida wariyeyaasha Addis Ababa ku sugan ay warinayaan, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay “in xilligaa ay saraakiil sare oo Somaliland ka socota diyaar garow halkaa ka wadaan” si heshiiska loo dhaqan galiyo.

Dhinaca kale, war goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo waftidii la socday ay soo gaabiyeen safarkii ay ku tageen Ethiopia ayna dib ugu soo noqdeen magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Dowladda Ethiopia ayaa diiday eedda Soomaaliya ka soo yeertay.

Afhayeen u hadashay xafiska Ra’iisulwasaare Abiy Axmed, Billene Seyoum ayaa u sheegtay wakaaladda wararkan AFP in Ethiopia ay “soo dhoweyn diirran” u sameysay Madaxweyne Xassan ayna u maamuustay si heer sare ah oo la mid ah sida ay u sameyso madaxda dowladaha dalkaasi u yimid shir madaxeedka.

Waxa ay sheegtay in wafdiga Soomaaliya ka socday ay diideen ciidamada ammaanka ee ay Itoobiya ugu talogashay, islamarkaana ay isku dayeen in ay la galaan goobta shirka ciidamo hubeysan.

“Ka dalka martida loo yahay ahaan, dowladda Itoobiya ayaa mas’uul ka ah amniga dhammaan madaxda iyo dowladaha inta ay dalka ku sugan yihiin,” ayay tiri Billene.

“Ilaalada wafdiga Soomaaliya waxa ay isku dayeen in ay hub la galaan xarunta AUC, taasi oo ay hor istaagaan ciidamada ammaanka AUC,” ayay hadalkeeda raacisay.

Related posts

” Somaliland Badbaado Shacab bay u baahan tahay ” Musharax Cabdiraxmaan Cirro Oo Afka Furtay.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Gaadhay Furumaha Dagaalka Ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff

Israel iyo Xizbullah oo gaaray heshiis xabbad joojin

Abdiaziz Bnnstaff