Borama News Network

Dowladda Federaalka Somaliya oo Somaliland ku eedeysay ‘inay carqaladeyn ka waddo’ hawada

Hay’adda Duulista Rayidka ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay shalay soo saartay ku eedaysay mas’uuliyiinta hawada ee Somaliland inay carqalad ku hayeen duulimaadyada maraya hawada tan iyo bishan Febraayo 11-keedii.

Hay’adda ayaa taallabaooyinkaas ku tilmaantay “fal-dambiyeedyo” ka dhan ah shuruucda duulimaadyada, sida hadalka loo dhigay. Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga duulimaadyada haddii ay carqaladdaasi sii socoto.

Dhinaca kalena, Somaliland ayaa sheegtay in tan iyo 12-kii Feberaayo ay hay’adda duulista hawada iyo garoomada ee Somaliland qaaday tallaabooyin ay kaga hortagayaan xadgudub ay ku eedeeyeen in dawladda federaalka ee Soomaaliya ay ka waddo hawada Somaliland, taasoo ay sheegeen inay ahayd siyaasiyadaynta duulimaadyada rayidka iyo ka bixitanakii heshiisyadii ay horey labada dhianc u galeen.

Waxay ku eedaysay dawladda Soomaaliya inay doonayso inay qaaddo tallaabadii ugu damabysay ee naf la caari ah, waa sida hadalka loo dhigaye, oo ay ku doonayso inay soo saaraan amar ay ku doonayaan inay ku sheegaan in garoomada Somaliland ay xiran yihiin.

 

Related posts

James Swan oo loo magacaabay sii hayaha Ergeyga Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaalia & Xafiiska UNSOM

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Sucuudiga Oo Mar Kale Ku Dhawaaqday Dhimashada Dad Cusub Oo Ku Geeriyooday Xajka

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidamada Israa’iil Oo Markii Ugu Horreysay Qirtay In Ay Ka Gaabiyeen In Xamaas Ay Ka Difaacaan Deegaan u Dhow Qasa

Abdiaziz Bnnstaff