Borama News Network

Dufaan ku dhufatayJasiiradda Mayotte oo ay Soomaalida u tahriibayeen

Jasiiradda dalka Faransiiska ee badweynta Hindiya ku taal ee Mayotte ayaa waxaa ku dhufatay duufaantii ugu xumayd ee ku dhufata jasiiradahaas muddo qarni ku dhow.

Ugu yaraan laba qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen duufaanta Chido oo soo bilaabatay waabarigii hore Sabtida saakay ah, taasoo sababtay dabaylo ku socday in ka badan 225km/h (140mph), waxaana laga cabsi qabaa in dad kale ay dhinteen.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in Faransiisku uu “u istaagi doono” dadka reer Mayotte, halka saraakiisha Faransiiskuna ay sheegeen in 250 dab-damis ah iyo ciidamada ammaanka loo diri doono jasiiradahaas, iyadoo qaarkood ay mar hore gaareen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska Bruno Retailleau ayaa sheegay in “dhammaan guryihii cooshadaha ka sameysnaa ay gabi ahaanba burbureen” wuxuuna ka baqayaa in ay “dhimasho culus” ka dhacdo halkaas.
Waxay ku taal waqooyi-galbeed ee Madagascar, Mayotte waa jasiirad ka kooban hal jasiirad weyn iyo kuwo yar yar.

Xitaa ka hor inta aysan duufaantu xoogga badan ku dhufanin subaxnimadii Sabtida, waxaa la sheegay in geedo ay rujisay, saqafyada guryahana ay fiiqday, waxay sidoo kale jartay xarkaha korontada.
Madaxa ururka dab damiska ee Mayotte, Cabdul Karim Ahmed Allaoui, ayaa u sheegay kanaalka wararka ee BFM subaxnimadii Sabtida “xataa adeegga gurmadka degdega ah waa uu xayirmay”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Ma jiro adeeg taleefoonka gacanta, mana la xiriiri karno dadka ku nool jasiiradda.

“Xitaa dhismayaal lagu dhisay heerka dhulgariirku waa ay saameeyeen.

“Xitaa Xarunta taliska ciidanka gurmadka degdega ah waa la qixiyay, qeyb ahaan ayayna ku shaqaynaysaa.”

Gegida diyaaradaha ee jasiirada Pamandzi “waxaa soo gaaray burbur weyn, gaar ahaan taawarka laga hago,” ku simaha wasiirka gaadiidka Faransiiska Francois Durovray ayaa sidaas ku qoray barta X.

Gaadiidka hawada “waxaa lagu soo celin doonaa marka hore diyaaradaha gargaarka militariga. Maraakiibta ayaa ku soo wajahan si ay u hubiyaan dib u soo celinta,” ayuu raaciyay.

Wasiirka arrimaha gudaha Retailleau ayaa bayaan uu soo saaray ku soo qoray X: “Waxaan taageero buuxda u fidinayaa dadka reer Mayotte, ciidamada gurmadka ee gobolka iyo kuwa maxalliga ah ayaa si buuxda loo abaabulay. waxa la samayn doonaa maalinta berito iyada oo 140 askari oo dheeraad ah lagu kordhin doono”.

Raysal wasaaraha Faransiiska François Bayrou, oo xilka la wareegay jimcihii, ayaa sheegay in duufaantu ay ahayd “mid aan caadi ahayn”

Mayotte ayaa markii hore la geliyey heegan ka dib markii digniin culus loo diray oo heerka ugu sarreeya – iyo ” xannibaad adag oo dadka oo dhan ah, oo ay ku jiraan adeegyada degdegga ah” ayaa lagu soo rogay. Tan iyo markaas ayaa waxaa loo oggolaado adeegyada degdegga ah inay ka baxaan saldhigyadooda.

Retailleau wuxuu sheegay in jasiiradda aysan la kulmin cimilo aad u daran tan iyo 1934-tii.

Duufaanta Chido ayaa sidoo kale la filayaa inay ku dhufato Mozambique oo ku taal badweynta Afrika.
Dabayaaqadii bishii la soo dhaafay ugu yaraan 24 qof ayaa ku dhintay kadib markii labo doonyood oo ay la socdeen dad u badnaa Soomaali ay ku dageen xeebaha Madagascar, sida ay sheegeen maamulka deegaanka. Waxaana la sheegay inay ku sii jeedeen Jasiiradda Mayotte ee ka tirsan dalka Faransiiska.

Labada doonyood ee ku qaraqmay xeebaha Madagascar ayaa la sheegay inay la socdeen dad gaaraya 70 qofood.

Xeebaha dalkaas ee shilku ka dhacay ayaa muddo laga joogo saddax bilood waxaa ka dhacay laba dhacdo oo ay ku dhinteen muhaajiriin badan.

Bishii Sebtembar, doon ay saarnaayeen 12 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah iyo hooyo uur leh ayaa ka tagtay xeebta Anjouan, kuwaas oo ku wajahnaa xeebta Mayotte.
Mayotte waxay 70km (43.5 meyl) u jirtaa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika – waa jasiiradaha Comoros.

Waa jasiirad ay ku nool yihiin ilaa 300,000 oo qof taasoo qayb ka ah jasiiradaha Comoros ee ka baxsan xeebaha bari ee Afrika.

Comoros waxay kamid ahayd goobihii ay ka talin jireen Faransiiska tan iyo 1975, waqtigaas kadib waxa ay ku jasiiraddani ku dhawaaqday madaxbannaani.

Laakiin Mayotte waxay dooratay inay ka sii mid ahaato Faransiiska, codayn dhacday sanadkii 2009-kii xilligaas oo dadka ay siwayn ugu codeeyeen inay kamid ahaadaan Faransiiska, dadka xilligaas codeeyay ayaa sheegay in dhaqaalaha iyo waxyaabe kale ay ku dooranayaan kamid ahaanshaha Faransiiska.

Sannadkii 2011, waxay noqotay waaxda 101aad ee Faransiiska, iyadoo la raacayo aftidii 2009.

Balse sababo la xiriira dhanka qulqulka tahriibayaasha ee in muddo ahba ay jasiiraddu la daalaa-dhacaysay, dowladda Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa qorsheyneysa inay meesha ka saarto qaanuunka lama taabtaanka ah ee sinnaanta ee Faransiiska.

Wasiirka arrimaha gudaha dalkaas Gérald Darmanin ayaa bishii February ee sanadkan booqday jasiiradda wuxuuna sheegay in wax laga beddeli doono xaqa ay dhalashada Faransiiska u leeyihiin dadka ku dhasha Mayotte.

Waa waddan ay u badan yihiin Muslimiin, inkastoo Faransiisku yahay luqadda rasmiga ah, keliya qiyaastii kala bar dadka ayaa akhrin kara ama qori kara luuqadda Faransiiska.

 

Related posts

Somaliland Maanta Doorasho Iyo Isbedel Ayay U Baahantahay Hadii Kale ..” Siyaasi Cali Guray

Abdiaziz Bnnstaff

“Tani Waa Doorashadii Iigu Dambeysay”. Madaxwayne Rejep Tayyip Erdoğan Oo Shaaciyay In Aanu Dib Doorasho U Galaynin

Abdiaziz Bnnstaff

Maayirkii Degmada Sallaxlay Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Maayir Cusub Oo Ay Golaha Deegaanku Doorteen

Abdiaziz Bnnstaff