Borama News Network

Duqa Muqdisho Oo Ciyaartoyda Gobolka Banaadir Kula Dardaarmay In Ay Difaacdaan Koobka Dowlad-Goboleedyada Iyo Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo kulan dhiirragelin ah la qaatay Ciyaartoyda, Maamulka, Tababarayaasha & qaar kamid ah taageerayaasha Gobolka ayaa kula dardaarmay in ay koobka markale difaacdaan.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in sanadkii hore uu Gobolka Banaadir ku guulaystay koobkaan loona baahan yahay in markale uu muujiyo awoodda uu u leeyahay difaacashadiisa maadaama tartan adag uu kala kulmayo Dowlad-Goboleedyada.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in sababta xoogga loo saarayo cayaaraha ay tahay xoojinta is dhexgalka Bulshada iyada oo arrintaas laga duulayana dhowaan dib usoo celin doonnaan dhammaan tartamadii la qaban jiray ee dhanka Cayaaraha.

“Koobka ayaa aktiinna yaalla oo difaac idin kaga baahan oo yaan gacantiinna laga bixinin, cayaaruhu waa sida ay u billowdeen, Kubadda Cagta, Baaskitka (Kolayga) & Cayaaraha fud-fudud in aan dhaqangelinno oo Muqdisho ka socdaan si aan u helno meel ay dhallinyarada Soomaaliyeed ku tanafusaan” Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Garoonka Cayaaraha Muqdisho waxaa Galabta ka daah-furmaya koobka dhexyaalla Dowlad-Goboeedyada & Gobolka Banaadir oo waxaa sanadkaan ka maqan Dowlad-Goboleedka Puntland halka sidoo kale lacag lagu daawan doonno.

Related posts

Dowlada Turkiga Oo War Cusub Ka Soo Saartay Heshiiska Difaaca Bada Ee Ay Somaliya La Gashay

Abdiaziz Bnnstaff

“Muuse Biixi Wax Badan Oo Qarsoon Ayuu Saxeexay, Isaga Ayaana Dalbay Shirka Jabuuti” Siyaasi Maxamed Haaruun Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Trump Oo Sheegay In Uu Kulan Dhanka Teleefanka Ah La Qaatay Dhigiisa Ruushka

Abdiaziz Bnnstaff