Borama News Network

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo war kasoo saaray dhexdhexaadin ay u wadeen Deni iyo Xasan Sheekh

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen laba madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayey ku sheegeen in uu “mira dhali waayey” dedaal ay ku dhexdhexaadinayeen Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo Siciid cabdullaahi Deni.

“Si arrintan bilowga ah fursad loo siiyo waxaan isla meel dhignay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu hakad galiyo galka la xiriira wax-ka baddalka dastuurka muddo laba asbuuc ah. Hase yeeshee, waxaa muuqata kaalintii odaynimo aanu isu xilqaannay in ay mira dhali wayday kaddib markii aanu dhanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wax jawaab celin ah ka waynay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo uu soo dhigay boggiisa Facebook.

Nuqul kale oo isla qoraalkan ah ayaa lagu daabacay bogga Facebook ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa jiray dhexdhexaadin ay ka odayeynayeen labadan madaxweyne ee hore oo ku aadanaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dawladda fedaraalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland.

Related posts

Hindiya Oo Sheegtay In Ay Maxkamee Soo Taagayso Budhcad Badeeed Somali Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobay Oo Wada Hadalo Ku Saabsan Mustaqbalka Xafiiskeeda Unisom Kala Hadlaysa Dowlada Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Saaray Jadwalka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff