Borama News Network

Geerida Madaxwaynihii Iyo Wasiirkii Arimaha Dibada Iran Oo La Xaqiijiyay

Madaxweynihii dalka Iiran Ibraahim Raiisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir-Cabdollahian iyo mas’uuliyiin kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen diyaarad Axaddii shalay ku burburtay waqooyi-galbeed ee dalka Iran.

Diyaaradda ayaa ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaanno, waxaana ay ku dhacday dhul buuraley ah, xilli cimiladu ahayd mid aad u liidata.

Saacado badan ayuu qaatay baaritaanka ku saabsan helitaanka burburka diyaaradda, iyadoo caqabadda ugu weyn ay noqotay ceer-yaamo ka jirtay dhulka buurleyda ah ee shilku ka dhacay.

Related posts

“Isu socodka gaadiidka ayaa la Joojiyey magaalada ceerigaabo” guddoomiyaha Gobolka sanaag

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo Shaaciyay In Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Dhalinyaradii Hubaysnaa Ee Ku Labisnaa Calanka Xisbiga Kulmiye

Abdiaziz Bnnstaff

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Oo Sheegay In Damaca Itoobiya Ee Bada Somaliya Uu Fursad u Noqon Karo ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff