Borama News Network

Goddoonka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Faray Dardargelinta Dhameystirka Dastuurka

Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeennada labaad ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyaga oo halkaas looga dhageystay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.
Sidoo kale, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka, dib u eegista Dastuurka ee BFS iyo guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.

Horay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyeen 4ta cutub ee ugu horraysa Dastuurka Kumeeel gaarka ah.

Related posts

Booliiska Jarmalka oo baadigoobaya Nin Mindi ku dilay 3 ruux kuna dhaawacay 4 kale

Abdiaziz Bnnstaff

28 Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Dalka Iran Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Shilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff

GABILEY: Qaabkii dadwaynaha Gabiilay isugu soo baxeen Ololaha Waddani

Mustafe haji