Borama News Network

Guterres oo si kulul cambaareeyay weerarkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada askari ka tirsan ciidamada Uganda ee ilaalada ka ah xarunta Qaramada Midoobay.

António Guterres ayaa xusay in weerarada ka dhanka ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo dhismayaasha ay mamnuuc ka yihiin sharciga caalamiga ah.

“Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu si buuxda u muujinayaa garab istaagga iyo taageerada buuxda ee ay Qaramada Midoobay u hayso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed halganka ay kula jiraan argagixisada, waxana uu dib u xaqiijinayaa sida ay QM uga go’an tahay in ay ku taageerto socdaalkooda ku aaddan waddan xasiloon, ammaan iyo barwaaqo ah.” ayuu ku yiri bayaan uu soo saaray Stéphane Dujarric oo ah afhayeenka Guterres.

 

Related posts

Ururka Qareennada Somaliland (SOLLA) oo Ka Qaybgalay Shir Caalami ah oo Lagu Qabtay Dakar, Senegal

Mustafe haji

DF oo daahfurtay hanaan casri ah oo lagu bixinayo Baasaboorka Soomaaliga

Abdiaziz Bnnstaff

Daawo Haweenka Magaalada Muqdisho Fariin Aday U Diray Itoobiya Digniin Culusna Ka Soo Saaray Damaceeda Bada Lughaya

Abdiaziz Bnnstaff