Borama News Network

Heshiisyada ay kala saxiixdeen Soomaaliya & Kenya muxuu kusoo kordhin karaa cilaaqaadka labada Dal?

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiisyo dhowr dhinac ka kooban ku kala saxiixday Magaalada Nairobi waxaana kamid ah Amniga, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada & kuwo kale si ay hadalka u dhigeen mas’uuliyiinta labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid dhaxalgal u ah labada Dal ee Xad-wadaagga ah.

Fiqi ayaa tilmaamay in ay sii soconayaan kulamada mas’uuliyiinta labada Waddan iyada oo sanadka soo socda ee 2025ka uu qabsoomi doonno kulan lamid ah kan xalay lagu shaaciyay heshiiskaan ay wadagaleen Xukuumadaha Muqdisho & Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maalintii labaad ku sugan Nairobi ayaa lagu wadaa in uu la kulmo madaxda Dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool si ay ugu kala xog-qaataan xaaladda iyo xiriirka.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo guddi u saaray ka soo tala-bixinta canshuuraha cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal cusub oo aan laga filanayn in ay samaysan karto

Abdiaziz Bnnstaff

Dhaqdhaqayo Ciidan Oo Xoogan Oo Laga Dareemayo Duleedka Raaskanbooni Iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Oo Gaadhay Halkaasi

Abdiaziz Bnnstaff