Borama News Network

Xamaas oo Israa’iil ku wareejisay meydadka afar qof iyo boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah oo la sii daayay

Xamaas ayaa wareejisay wax ay ku sheegeen meydadka afar qof oo Israa’iiliyiin ah oo laga qafaashay Qasa, iyagoo ku bedelatay boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah.

Israa’iil ayaa ka qaadday DNA-da si ay u xaqiijiso inay yihiin haraaga Shlomo Mansour, 86, ahaa Ohad Yahalomi, , Tsachi Idan,, iyo Itzik Elgarat, , kuwaas oo dhamaantood Xamaas ku qafaalatay weeraradii 7 October sanadkii 2023-ka.

Israa’iil waxa ay billowday sii deynta in ka badan 600 oo maxaabiis falastiiniyiin ah, iyadoo tobannaan qof ay dib ugu laabteen Daanta Galbeed ee la haysto iyo Gasa, halkaas oo ay kula kulmeen dadweyne aad u faraxsan oo soo dhaweyay

Waxa ay noqon doontaa is dhaafsiga ugu dambeeya ee wejiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta, kaasoo ku eg maalinta Sabtida. Israa’iil weli ma xaqiijin natiijada baaritaanka DNA-da ee lagu sameeyay afarta meyd.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Abdiaziz Bnnstaff

Los Angeles Oo Isu Diyaarineysa Burbur Iyo Dab Hor Leh Iyadoo Dabka Weli Socdo

Abdiaziz Bnnstaff

24 Qof Ku Dhintay Qarax Dhacay Dalka Pakistan Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qaraxaasi

Abdiaziz Bnnstaff