Borama News Network

Ilhaan Cumar “Inta Aan Anniga Congress-ka Jooga Badda Soomaaliya Cid Kale Ma Qaadanaysa.”

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa si adag uga hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, iyada oo sheegtay in xilligaan Biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan Karin.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa tiri, “Inta aan anniga Congress-ka jooga Badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan.”

Sidoo kale Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka uusan taageereenin in uu dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.”

Ilhaan oo hadalkeeda sii wadata ayaa sii sheegtay in Soomaaliya ay u maqan tahay iyada wakiil u ah, “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka warheysaa, sida idinka u dareemaysiin dantaas ayey u dareemaysaa.”

Dhanka kale Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa Madaxdweyne Xasan Sheekh Maxamuud u muujisay tallaabadii uu qaatay, iyada oo tiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leenahay waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, in dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin Karin.”

Ugu dambeen Ilhaan Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga falceliyeen damaca dowladda Itoobiya, “Waxa aan Soomaalida meel kasta ku nool ugu hambalyeenayaa sida aad isugu duuban tihiin, sida aad kulligiin u garab istaagteen Madaxweynahayna; maxaa yeelay wuu u baahan yahay in aan garab istaagno.”

Xildhibaan Ilhaan ayaa hadalkeed ku soo gabagabeesay, “Soomaaliya waa Soomaali, Soomaaliya waa hal, Walaalo ayaan wadannahay, dhulkeyn lama kala qeybsanaayo, dhulal baa naga maqan oo aan raadsanaynaa, inta aan hadda haysanno lama kala qeybinayo.”

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu heshiis is-afgarad ah la yeeshay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ay dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah qarannimada Soomaaliya.

Related posts

Gurigii Odayaasha Dhaqanka Gobolada Galbeedka Oo La Iibshay Iyo Cida Iibisay Oo Farta Lagu Fiiqday

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka oo qiray in Qadar door muhiim ah ka qaadatay heshiiska xabad joojinta Qasa

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xidhiga Cismaan Cumar Dool Iyo Waxyaabaha Loo Haysto

Abdiaziz Bnnstaff