Borama News Network

Iran oo la wareegtay markab shidaal oo lagu magacaabo St Nikolas.

Iran ayaa gacanta ku dhigtay Markab shidaal siday oo marayay Jaziirada Marshal sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Kooxo hubeysan oo wajiyada soo xirtay ayaa lagu soo waramayaa in ay fuuleen markabka St Nikolas oo ku dhow dekedda Sohar ee dalka Cumaan, waxayna ku amreen in uu u soo shiraacdo deked ku taalla dalka Iiraan.

Ma cadda sababta loo beegsaday Markabka. Doonta St Nikolas waxa uu mareysay inta u dhaxaysa dekedda Basra ee dalka Ciraaq iyo halkii loogu talo galay ee uu usocotay markii hore oo ah Turkiga.

Hawlgallada Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegay Khamiista inay heleen warbixin sheegaya in afar ilaa shan “qof aan la ogolayn”, oo lagu soo waramayo inay xireen dad dhar madow ku labisan oo wejiga xiran kadib markii ay fuuleen markabka 03:30 GMT.

Waxa ay intaa ku dareen in isgaarsiinta Markabka ay luntay, islamarkaana maamulka uu baarayo.

Warbaahinta dowladda Iran oo soo xiganeysa ciidamada ayaa markabka ku tilmaamay mid Mareykan laga leeyahay.Macadda sababta ay Iiraan ugu tiilmaamatay in Mareykanka laga leeyahay.

MarkabKA waxaa laga leeyahay Giriiga.

Related posts

Qudbada Madaxwaynaha Waxaa Ku Jiray Hadalo Badan Oo Ligan Ah” Xildhibaan Mukhtaar Baydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Dalka Kaliya Ee Ay Dimuquraadiyad Ka Jirto Geeska Africa’ Xildhibaan Ka Tirsa Baarlamaanka Uk

Abdiaziz Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamsa Iyo Safiirka Taliyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Damaca Dowladda Itoobiya Ee Badda Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff