Borama News Network

Israaiil oo diidan in gargaar loo gudbiyo Waqooyiga Magaalada Gaza.

Ciidanka Israaiil ayaa is hor istaag ku sameeyay gargaarka bani aadamnimo ee loogu talagalay in loo gudbiyo Waqooyiga Magaalada Gaza iyada oo loo sababaynayo in ay halkaas kala kulantay culayskii iska caabinta ah ugu xoogganayd ee ay arkaan.

Qaramada Midoobay ayaa qorsheenaysa in caawa ay gargaar kooban u gudbiyo Waqooyiga Gaza balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Yuhuudda oo ka amar-qaadanaya Ra’iisul Wasaare Netanyahu diidan yihiin tallaabadaas.

Maraykanka oo damacsan in uu iska meero ceebta kasoo gaartay in hub weliba uu siiyay Israaiil iyo ciidamo gaar ah uu ku gacansiiyay ay ka gungaari waayeen go’aankooda ah soo furashada maxaabiista ay gacanta ku hayso Xamaas.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Israaiil kahor taagan yahay weerar toos ah oo ay ku qaaddo Magaalada ay u qiil-raadsanayso ee Rafax inkasta oo Aqalka Cad uu ogol yahay weerarkaas balse waxa uu ku dahaaray shuruudo aanay waxba ka fulayn.

Israaiil ayaa ku jabtay Waqooyiga Magaalada Gaza waana xaafadaha lagu gubay Taangiyada ugu badan, saraakiisha muhiimka ah looga dilay sidoo kale gantaallada culus ay ku garaaceen kana gaysteen xasuuqa ka dhanka ah Shacabka Falastiin.

Related posts

Dagaal weli ka socda magaalada Doolow iyo ciidamada Itoobiya oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaan ka ognahay diyaaradda dagaalka Maraykanka ee ku burburtay Soomaaliya iyo nuuca ay tahay ?

Abdiaziz Bnnstaff

Dad Ka Badan 50 Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Dalka Nigeria Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Shilkaasi

Abdiaziz Bnnstaff