Borama News Network

Israaiil oo duqeyn ku dishay ugu yaraan 30 ruux oo Xero Barakac ku sugnaa

Ciidanka Israaiil ayaa Duqeyn ku beegsaday Xero Barakac oo ku taalla Agagaarka Dugsiga Al-Awda ee Magaalada Abasan Al-Kabira ee Bariga Deegaanka Khaan-Yoonis Koofurta Gaza waxaana ku dhintay ugu yaraan 30 qof halka dhaawaca uu ka badan yahay 50 kale.

Weerarkaan ayaa dhaliyay Argagax xooggan oo soo wajahay Dadkii goobta joogay balse ka badbaaday waxaana ay billaabeen in ay raadiyaan goobaha ay u arkaan in ay uga gabbaadsan karaan weerarrada Ciidanka Yuhuudda.

Agaasinka Caafimaadka ee Magaalada Gaza ayaa sheegay in Dadka dhaawaca soo gaaray ay u badan yihiin Dadka kuwa ugu jilcan (Dumar, Carruur & Dad Da’ ah) kuwaas oo qaarkood dhaawacyo halis ah soo gaaray.

Dawo la’aan xooggan ayaa ka jirta Magaalada Gaza iyo Magaalooyinka kale ee Dhulka Falastiin waxaana ku socda Duqeyn xooggan & dagaal toos ah oo Ciidanka Yuhuudda ee Go’doonka geliyay ay ku daadinayaan Dhiigga Dadka Shacabka.

War kasoo baxay Militariga Israaiil ayaa lagu sheegay inay weerarka ay ku dileen Dadka badan ee Rayidka ah ku bartilmaameedsadeen xubno katirsan dhinacyada iska caabbinta kala soo horjeeda iyaga oo dafiray natiijada ka dhalatay weerarkooda.

Related posts

Suldaanka Guud ee Habar-yoonis oo Fariin Adag u Diray Garadada Dhulbahante iyo Xukuumada Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinaha oo lagu arkay meel u dhow Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Digniin Kasoo Baxday Gudida Anshaxa Komishanka Doorashooyinka Somaliland

Mustafe haji