Borama News Network

Israa’iil waxa ay go’aansatay weerar, Trump ha jeclaado ama yuusan jeclaan

Waxa ay ahayd mid cad in ay jirtay xiisad sii kordhaysa oo u dhaxaysa Benjamin Netanyahu iyo Donald Trump oo la xiriirta suurtagalnimada in Israa’iil ay qaadi doonto weerar ka dhan ah Iiraan.

Trump ayaa u sheegayay hogaamiyaha Israa’iil in uusan doonayn hadda inuu sameeyo oo uu sugo, iyada oo maamulka Maraykanka uu wado wadahadalo la xiriira Nukliyeerka oo ay la leeyihiin Iiraan.

Laakiin Israa’iiliyiinta ayaa si cad u haystay malaha ah inay haystaan fursad ay ficil ku muujin karaan.

Waxa ay aaminsan yihiin in Iiraaniyiinta ay awood ahaan liitaan sidii ay ugu sii sugnaan lahaayeen gobolka, ka dib markii sannadkii hore la wiiqay ururka Xisbillaah ee dalka Lubnaan, taasi oo meesha ka saartay arrin caqabad uga imaanaysay Israa’iil.
Netanyahu ayaa dareemay in hadda uu yahay wakhtiga ku haboon, xitaa haddii aysan Mareykanku jecylayn.
Xooghayaha arrimaha dibada Maraykanka Marco Rubio ayaa sii daayay qoraal kooban ka dib markii duqaymo Milatari ay qarxeen, isaga oo kala saaraya Maraykanka iyo wax uu ugu yeeray ”talaabo hal dhinac ah” oo ay sameeyeen saaxiibkooda ugu dhow.

”Inagu kuma lug lihin duqaymaha ka dhanka ah Iiraan, waxaana mudnaantayada ugu saraysay ay tahay difaaca ciidamada Maraykanka ee ku sugan gobolka” ayuu yiri.

Rubo ayaa intaa ku daray in Israa’iil ay kula talisay Maraykanka inay aaminsan tahay weerar lagu qaado Iiraan ayna tahay ”lagama maarmaan is-difaacid ah”.

Hadda, Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa si cad isaga fogeyay talaabo milatari, iyadoo Mareykanku isku dayayo inuu bixiyo calaamad ay ula jeedaan inay ka fogaanayaan dagaal wakhtigan. Waxaynu aragnay talaabo tan la mid ah sanadkii hore markii Israa’iil ay ballaarisay colaadda gobolka, markaa soo Mareykanku si uun isaga fogeynayay taasoo ahayd qaab diblumaasiyadeysan.
Saacado ka hor weerarkii Khamiista, saraakiisha Maraykanka ayaa bixiyay wargalin in aysan jiri doonin taageero Maraykanka ee la xiriirta talaabada ay qaado Israa’iil, xataa haddii ay sii fogaato in aysan gacan ka geysan doonin wax shidaal ah oo hawada loogu shubo diyaaradaha. Taas oo loogu talagalay Tehran.

Weli ma cadda inta qoraalka Rubio uu muujinayo in masaafada Maraykanku ay tahay farsamo uu uga fogaynayo weeraro aargoosi ah oo ka dhan ah fariisimaha ciidamada Maraykanka ee gobolka, taas oo ka soo horjeeda calaamadda khilaafka ee ka dhex qarxay Trump iyo Netanyahu toddobaadyadii la soo dhaafay.

Hadalkiisa kuma uusan xusin in Mareykanka uu Israa’iil ka taageerayo sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerarada rogaal-celinta ee Iiraan, taas oo Maraykanku si lama huraan ah u dooni doono, laakiin waxa ay tahay wax aan caadi ahayn in aan la arkin iyaga oo si cad u sheegaya.

Israa’iiliyiintu waxa ay sheegeen inuu jiray “isku-dubbarid buuxa oo dhamaystiran” oo ay la lahaayeen Maraykanka ka hor weerarrada. Argatidaasi weli kama aysan soo bixin Washington.

Si kastaba ha ahaatee, Rubio wuxa uu soo saaray digniin ku socota nidaamka Iiran: “Aan caddeeyo,Iiran waa inaysan bartilmaameedsan danaha Mareykanka ama shaqaalaha.”

Waxaa hadda ay su’aali ka taagantahay waxa uu Maraykanku sameynayo si uu u caawiyo Israa’iil.

Xusuusnow waxaynu aragnay laba jeer sanadkii hore, ku riixida Maraykanka. Khatartu waa in arrimuhu si degdeg ah uga baxaan in la xakameeyo.

Tani waxa ay u dhacday si dhakhso badan iyo qaab aan la xakamayn karin, saacadaha soo socda iyo maalmaha soo aaddan ayaa muhiimad gooni ah leh

Related posts

“ Waddani Iyo Xasan Sheekh Waxay Isku Dareen Ka Yihiin In Ay Hor Istaagaan Horumarka Somaliland ” Wasiir Buuni

Abdiaziz Bnnstaff

Nin boqol kun oo doolar ka dhacay haween kaddib markii uu la haasaaway

Netanyahu Oo Caddaystay Mowqifka Israaiil Ee Lagu Barakicinya Dadka Degen Rafax.

Abdiaziz Bnnstaff