Borama News Network

Isreal Oo Duqayn Ku Dishay Masuul Sare Oo Ka Tirsanaa Ururka Xisbulaah Ee Dalka Lubnaan

Madaxii warfaafinta ee ururka Xisbullah, Maxamed Afif ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ka geysatay bartamaha magaalada Bayruut, sida ay xaqiijisay kooxda Xisbullah ee ee dalka Lubnaan.

Weerar dhanka cirka ah ee lagu dilay ninkaan ayaa lagu qaaday xarunta xisbiga ee Baath oo ku taalla xaafadd ay dadku ku badan yihiin oo la yiraahdo Ras al-Naba.Duqeynta ayaa dhacday Axadii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Lubnaan.

Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in afar qof la dilay, balse ma aysan magacaabin dadka dhintay.

Afif, ayaa markii ugu dambeysay la arkay Isniintii, markaa oo uu shir jaraa’id ku qabtay duleedka koonfureed, ee Bayruut halkaas oo ay kooxdu ku xooggantahay.Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida xalay, dhowr saacadood ka dib markii ugu horeysay ee la soo sheegay.

Related posts

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax

Abdiaziz Bnnstaff

Wakaalada Biyaha Ee Hargeysa Oo Shaqada Ka Saartay Shirkadii Gacanta Ku Haysay Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

Shirkii Golaha Wasiirada Arinta Raysalwasaaraha Somaliya Ee Imaatinka Laascanood Malagu Soo Qaaday

Mustafe haji