Borama News Network

Isreal Oo Si Wayn Uga Cadhootay Go’aanka Ka Soo Baxay Maxkamada Aduunka Ee ICJ

Mark Regev, oo ah la taliyaha sare ee ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Koonfur Afrika “ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan ujeeddooyinkoodii” ee ahaa inay ku qasbaan xabbad-joojin colaadda Israa’iil iyo Gaza.

Waxa uu sheegay xaakimku in ay guul u tahay qareenada Koonfur Afrika iyo guuldarada soo gaartay Israel.

Ma aysan dhihin “waa inaad sameysaa xabbad joojin” sababtoo ah sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, xaaladaha saxda ah iyo qaabka sharciga, dagaalku waa sharci, Israa’iilna waa la weeraray.

Laakiin waxa ay sheegayso waa habka ay Israa’iil u waddo dagaalka runtii waa in ay si weyn isu beddesho shuruudahan.

Israa’iil waxay si joogto ah u sheegtay in dagaalkeedu uu ixtiraamayo sharciyada dagaalka.

Hadalka garsooraha ayaa tilmaamaya in maxkamaddu aysan ogolayn. Waxaan filayaa in Israa’iiliyiintu ay aad uga caroon doonaan xukunka, Koonfur Afrikana ay aad ugu farxi doonaan in dacwadda ay sameeyeen ay maxkamaddu aqbasho, kiiskuna hadda sii socdo.

Related posts

Beesha Caalamka Oo Walaac Xoogan Ka Muujisay Khilaafka Doorashooyinka Somaliya Oo Cirka Isku Shareeray

Abdiaziz Bnnstaff

Ninka ugu taajirsan Afrika oo sheegay hadal ka yaabiyay dad badan

Abdiaziz Bnnstaff

Booliiska Soomaaliya oo 6 ruux u xiray Dil Muqdisho loogu gaystay mid kamid ah shaqaalaha Hay’adda Duulista Raydka.

Abdiaziz Bnnstaff